Tafsiirka Darsiga 215aad Axsaab 23 ilaa...

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 8 พ.ย. 2024

ความคิดเห็น • 29

  • @JaamacMaxamed-yo7kj
    @JaamacMaxamed-yo7kj 11 หลายเดือนก่อน +1

    Jannatul firdawza ilahay ha siiyo amiin

  • @JaamacMaxamed-yo7kj
    @JaamacMaxamed-yo7kj 11 หลายเดือนก่อน +1

    Jaza aka allahu khayra amiin

  • @abdelghaniahmed8704
    @abdelghaniahmed8704 2 ปีที่แล้ว +1

    Mansha Allah shiikh maxamed cumar diriir Allah haku xafido aduun iyo akhiraba Amiin amiin amiin

  • @Nuura-bb4ob
    @Nuura-bb4ob 7 หลายเดือนก่อน +1

    Jasakumulahu khayran illaahay miisaanka xasanadka haydin saaro dhamaan tiin aamiin

  • @AbdirahmanDaud-g8w
    @AbdirahmanDaud-g8w 5 วันที่ผ่านมา

    Scw

  • @AdnanSaami-gp2qp
    @AdnanSaami-gp2qp ปีที่แล้ว

    Masha Allah jazakalaah sheekh dirir

  • @ubahhussein1925
    @ubahhussein1925 8 หลายเดือนก่อน

    Thank you for sharing

  • @najahyusufow4345
    @najahyusufow4345 4 ปีที่แล้ว +2

    Allah haku xifdiyo sheikh Mohammed sheikh cumar

  • @hawanur6454
    @hawanur6454 4 ปีที่แล้ว +1

    Scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw

  • @bashirabdullahi4374
    @bashirabdullahi4374 4 ปีที่แล้ว +2

    Jazakalahu kheyran Sheikh Maxamed Cumar Dirir.

  • @aanoleosman3157
    @aanoleosman3157 3 หลายเดือนก่อน

    ❤❤❤

  • @ummumohammed9273
    @ummumohammed9273 4 ปีที่แล้ว

    Jazakumullaha kheir Sheikh Mohammed, ILAHOW nagu hanuuni

  • @mohamedabdullahi7183
    @mohamedabdullahi7183 4 ปีที่แล้ว +1

    Masha allah

  • @hawanur6454
    @hawanur6454 4 ปีที่แล้ว

    Scw scw scw scw

  • @maaxi_maxamed
    @maaxi_maxamed 4 ปีที่แล้ว

    Jazaka Allah shiikheeyga

  • @hodanjama493
    @hodanjama493 4 ปีที่แล้ว

    Masha Allah tabaraka Allah

  • @saleebanmohamud4129
    @saleebanmohamud4129 4 ปีที่แล้ว

    jazzakumullah khayr dhamaantiin maashalallah

  • @sahraali3467
    @sahraali3467 4 ปีที่แล้ว

    M'a sheekh dirir

  • @asmamaxamuud358
    @asmamaxamuud358 4 ปีที่แล้ว

    Jazaakallaahu kheyran

  • @ayubmohamedhassan
    @ayubmohamedhassan 2 ปีที่แล้ว

    ما أجمل هده القصة👏😊

  • @abdikaadir6896
    @abdikaadir6896 4 ปีที่แล้ว +3

    mashaa alaah

  • @mahamedaden7237
    @mahamedaden7237 4 ปีที่แล้ว +1

    جزاكم الله خيرا

  • @abdikaadir6896
    @abdikaadir6896 4 ปีที่แล้ว +1

    ok

  • @Ss53426
    @Ss53426 2 ปีที่แล้ว +2

    Faaiidooyinka suurada :
    34. Kelmada نحبه waa nadarkoodi .
    35. Yahuuda reer بني قريظة waxay ku biireen gaalada sanadkii 5 aad nin la odhan jiray حيي بن أخطب oo ahaaa kuwii tegay makka ayaa duufsaday كعب بن أسد nin la odhan jiray oo reer بني قريظة madax ka ahaa markii lasoo duulay madiina meeshiisu ayuu uugu tegay markaasu ku akhriyay cadawgaagi muxamadbaa la jabinayaa maanta ciso kuugu dhaw taariikhda haka hadhin markuu kolba dhan kaga wareegay uu ku celceliayay ayuu kubiiray gashaan buurtii aayda 26 ayaa lagaga waramaya .
    Waxay galeen meel qalcadaa ooo biyo iyo baad ba yaalay oo muddo bilaa ku dhaw ay ku jireen iyaga xoolahooda /reerahooduba , 25 habeen ayuu nebigu gaadh kaga hayay markii danbena way is dhiibeen.
    📍markiidagaalkii الأحزاب dhamaaday ayuu nebigu dhar dhigtay asagoo gurigii ummu salama joogaa oo maydhanayaa malaku jibriil uyimi oo cimaamad xariiraa madaxa ku duuban baqal cadna wataa ku yidhi anagu hubkii maanu dhigin adinku hubkii maydu dhigteen waxaa lagu farayaa inaad qalabkaaga soo qaadato oo reer بني قريظة ku baxdid nebigu amarbuu bixiyay asxaabtii uu ku leeyahy
    (لا يصلين أحدكم العصر إلا في بني قريظة )
    Waa ladul degay oo 25 maalmood ayaa gaadh laga hayay way is dhiibi waayeen markii danbe way tashadeen oo waxay yidhaahdeen waxaan isku dhiibaynaa سعد بن معاذ oo aan berigii hore xulafada ahayn suldaankii reer اوس sacadna markaa dhaawacbuu ahaa sacadbaa dameer lagu soo qaaday meeshiiba la keeanay nebigu wuuxu yidhi asagoo sacad lagu sharfayo قوموا إلى سيدكم ) waxa lagu yidhi goobta adaa ka talinaya oo uu nebigii Illlahay kuu wakiishay ,reer aws oo ay xulufo ahayeen ayaa kolba afka uyara dhuubayay oo sacad ku lahaa kayara dabci oo haku adkayn markaasu sacad yidhi : Illahay dartii sacad loo canaanan maayo sacadna ku ceeboowi maaayo kadhaqaajiya .
    Goaankiisuna wuuxu noqday inta qaangadhkaana hala dilo caruurta iyo dumarkana hala adoonsado ,nebiguna wuu ku hambalyeeyoo wuuxu yidhi: waxaad xukuntay illaha boqorka ah xukunkuu xukumay .
    Kadib gododbaa loo qoday wixii qaangaadhay kurkaa laga jaray, waxaana lagu garanayay kuwa qaangaadhka in timaha hoose usoo Baxeen, dumarkii iyo carauurtiina waa laqaybsaday 8000 dad kudhawbaa la laayay intasoo kalena waa la qayb saday.
    📍ilaa iminka arinkaas waa laga hadlaa dad badan oo nalaga laayay xoolo badan oo lanaga dhacay waxaa ku jiray reer بني قريظة oo sacuudigaan ka rabnaa ayay yuhuuda tidhaahdaa kuwooda khubaradaa.
    36. Tafsiirka لن ينالوا خيرا waxa culimadu tidhi:
    🍃waxay aaminsanaayeen inay nebiga iyo asxaabta ka guulaystaan inay khayr u arkayeen wayna wayeen.
    37. Tafsiirka وارضا لم تطئوها waxa lagu fasiray:
    🍃dhul aydaan kuba joogsanin .
    🍃dhul ayadaan cagahaba dhigin sida خيبر .)waan usii bushaarayn inay qabsan doonan )
    🍃meel kasta oo ay muslimiintu furan doonaan.
    38. Xoolaha laga qabsaday reer بني قريظة wuxuu isugu jiray:
    🍃Dahab.
    🍃Lacag
    🍃Hub
    🍃Xoolaha nool.
    39. Aayada 23 waxay kusoo degtay انس بن مالك adeerkii oo la odhan jiray أنس بن نضر ayaa balan qaaday maalinkii بدر oo uu ka maqnaa ayuu yidhi hadii dagaal kale dhaco illaahay wuu arki doonaa waxaan sameeyo أحد ayaa kusoo beegantoo muslimiintiibaa jabay wuuxuu yidhi anigu ma balankiibaan ka baxayaa kadib colkii oo sii caraarayuu waydaartay kadib wuxuu arkay سعد بن معاذ oo soo way daaranaya markaasbuu ku yidhi sacadaw xagaad ucararaysaa anigu janadii ayaan udgoonkeedi ka helayaa buurta uxud hoosteeda sidiibuu dagaalkii ku galay waxbadanbuu laayay asna wuu shahiiday , anas wuxuu yidhi waxan jirkiisi ka helnay dhawr iyo 80 dhaawac oo waran leeb iyo seef isugu jira walaashiibaa garatay oo farihiisa ku garatay intii kale way googaday markaa waxan isku qancin jirnay inay aayadani kusoo degtay isaga iyo rag kale oo balamahooda ka rumeeyay.
    📍Isaga waxa kasii horeeyay خبيب بن عدي oo maxaabiistiibuu ahaa laqabsaday gaaladii aabayaashood beder lagu laayay lagu wareejiayay si ay uuga aargoostaan asagoo ay ku cayaarayaan ayuu ابو سفيانku yidhi waadigii muxamad udagaalamayee maanta ma jeclaysan lahayd inuu muxamad na halkan ku jiro adna madiino iska joogto markaasbu ku yidhi: inay qodaxi mudaanan jeclayn .. markaasbuu gabay tiriyay:
    ولا أبالي حين أقتل مسلما ***على اي جنب كان لله مصرعي.
    وذلك كان في ذات الاله ***وان يشأ يبارك على اوصال شلو مبزعي.
    📍Waxa isna sanadii 3 aad ahaa سعد بن ربيع oo markii uxud lakala food qaaday dadkiii dhintay markii la eeg eegay ayuu nebigu yidhi ninbaan tabayaa sacad mee markii labadhayna waxa lasoo helay isagoo sii dhimanaya ninkii utegay wuxuu kuyidhi rasuulka iikaa soo diray markaasbuu yidhi: rasuulka salaam iga gaadhsii alle hakaa abal mariyo waajibkaagi waad gudatay ummadana waxaad usheegtaa hadii nebi muxamad gacan lala gaadho ayadoo mid idinka noolyahay illaaahay agtiisa cudurdaar ka heli mayasaan .
    📍Waxa kaloo ka mid ahaa ragay aayadu sheegayso جعفربن أبي طالب sanadii 8 daad wuuxu aha hogaamiyayaashii uunebigu umagacaabay غزوة مؤتة 3000 oo ciidan oo yurub ku duulay ayaay muslimiintu ahaayeen waxaana ka horyimi mawjado galaa oo hiraya oo 200 kun oo ciidan ahaa calankii ayuu jacfar midigta ku qaaday waa la gooyay gacantii hadana calankii ayuuu bidixda ku qaaday waa la gooyay hadana gacmaha inta garbaha udhaw ayauu ku qabtay waa la jaray ilaa laga dilay .. nebiga wuxuu ku magacaabay jacfarkii jannada ku dhex duulayay.

    • @Ss53426
      @Ss53426 2 ปีที่แล้ว +1

      40. Aayadaha laga bilaabo 27 waxa lagaag hadlayaa xaasaska nebiga .. Waxa ushiray xaasaskii nebiga ayagoo dalbanaya in biilka loo kordhiyo .. illahaybaa markii hore rasuulka door geliyay aduunyada iyo risalaada markaa diintuu doortay aduunyadana wuu iska nacay , way usoo wada tashadeen oo soo dul fadhiisteen iyagoo usheega ya inay isku raacsanyihiin goaankaa waxa maqlay abubakar iyo cumar nebigay utageen albabkiibay qaraaceen waalaga furiwaayay nebigu xasaskiisu ka cadhooday dumarkii oo meesha fadhiya aya loo ogolaaday abubakar iyo cumar kadib ayaa cumar yidhi nebigaan uyara maadeeyanayaa wuuxu yidhi:hadad arki lahayd tii ina zayd waa xaskiisa intay masaariif iweydiisay aan goordhaweyd xuurteeyay waad yaabi lahayd? Nebiguna wuu qoslay hadalkana cumar wuuxu uuga jeeday inuu nebigu qoslo , kadib ayuu nebigu yidhi anigaba waakuwan igu soo ururoo aduunyay iweydiinayan, markaasba cumar iyo abubakar hablahoodu kula kaceen , nebigaa ku yidhi dumarka ha iga laynina si kalan uuga wareegaynaa, dumarkiiba asxaabtu yidhaahdeen maxaa idin soo ururiyay waxay yidhahdeen aduunyadaas ayaan doonaynay raga kale waxay bixiyaan hadan nebigu wax hayn waanu ka tanaasulnay .
      Aayatku markay soo degeen illahay dumarka kula hadlayo waxa la kala dooran siiyay inay rasuulka doortan asagoo duunyo la'aana oo deraajada iska deynta aduunyada gaadhaan iyo in aduunyo laydin siiyo laydina furo.
      Wuxuu ku horaysiiyay nebigu caaisha oo yidhi arin weynbaa yimi waalidkaaa kala tasho, markuu aayatkii akhriyay ayay tidhi:ma adaan kaala tashada waalidkay illahay rasuulka iyo janaan doortay aduunyo ka hadhay lkn dumarada kale ku tijaabi waxay doortaan oo tayda ha usheegin , rasuulku wuuxu ku yidhi: illahay iimuusoo dirin mid adag adag inan noqdo lkn wuuxu iisoo diray inaan macalin wax fudeydiya inan noqodo waan usheegaya dumaradii kalena intiibay doorteen .
      41. Ayaatka xaasaska nebiga lagula hadlay waa 3 arimood:
      🍃Door gelinta.
      🍃derajayntii uu illahay siiyay ay dumarada kale dheeryihiin.
      🍃xilal lasaaray oo waxyabo la amrayo.
      42. Waxa lagu macneeyay risqiga ku jira aayada واعتدنا لها رزقا كريما :
      🍃Janno.
      43. Xaasaska nebiga waxa la amray 8 amar :
      🍃hadalka ha debcanina markaad raga ajaanibta ah la hadlaysaan.
      🍃hadal wanaagsan oo inta meesha looga bahanyahy uun inay yidhaahdaan.
      🍃inay guryahooda ku sugnaadan .
      🍃inay is asturaan.
      🍃inay saalada oogaan.
      🍃inay sakada dhiibaan .
      🍃inay illahay iyo rasuulkiisa adeecaan.
      🍃inay akhriyaaan aayaatka iyo xadiisyada.
      44. Dumarku waxay xaq uleeyihiin waxay xaq uleeyihiin inay codsadaan, ninkeedu haduu masariifta waayo ama mucaamaladii fulin kari waayo waxay xaq uleedahay inay furniin codsato ama sabirto labadaba xaqbay uleedahay .
      📍sida saxdaa waa inaan la cabudhin ee waa in lafasaxo.
      45. Erayga السراح wuuxu ka midyahay erayada ku cad furniinka .
      46. Qofwlba derajaduu leeyahay ayaa daacadiisa iyo xumaantiisuba noqonaysaa haduu darajo wayn leeyahay xumaantiisuna way waynaan wanaagiisuna waa waynaan .
      📍gabadhu haday la nooshahay qof derajo weyn leh sida culimada .. inay tanaasulkaas oo kale samayso si ay uugula nolaato derajada uu ku noolyahay aya fiican.
      47. In aad looga durko wax kastoo dhaqdhaqaajin kara dareenka shahwada oo fitno keeni kara.
      📍hadalkastoo fitna keeni kara looma ogola dumarka.
      48. Dhaqankii hore is qaawinta jaahiliyada waxay ahayd:
      🍃ama way isku dhejin jireen dharka.
      🍃ama qayb ayay qaawin jireen madaxa /qoorta /cagaha /cududaha . Waxay odhan jireen meelaha aan qaawinaan ka xaragoonaynaa.
      49.jaahiliyadu waa bukaan diin laaneed lala buko xilagay doonto ha joogto.
      📍diin laaanta waxa ka daawaa inaad diinta raacdo.
      📍hadaad illahay diido oo aad shayaadiinta iyo ehelkooda raacdo adaa yaqaan waxaad ka hesho.
      50. Waxa lagu fasiray واذكرن ما يتلى في بيوتكن من آيات الله والحمكة tafsiiradan:
      🍃waxad akhridaan waxa lagu akhrinayo guryihiina dhexdooda oo aayadaha iyo axaadiista ah guriga ku akhriya.
      🍃nimcada illaahay xusa gurigaagiiba ah meeshii waxyigu kusoo degayay.
      🍃dadka gaadhsiiya ayaatka iyo xadiisyada nebiga kusoo degay.
      51. Aayada 35 sabata ay kusoo degtah waxay ahayd: أم سلمة aya anebiga la hadhashay oo tidhi: nebi allaw waxaan maqlaa in badan asagoo illahay raga uugu yeedhayo quraanka dhexdiisa dumarku ma ragaasay ku dhex jiraan miyaan iyaga mar gaara la sheegayn markaasay aayadni soo degtay.
      📍illahay agtiisa dadku tartankay xaga alle uugu jiraan way usiman yihiin .
      📍raga iyo dumarku waxay ka simanyihiin:
      🍃Xilka laysa saaray.
      🍃Xaga karaamada iyo sharfida.
      📍waxyaabahay ku kala duwan yihiina waa cidwaliba wixii ku munaasab ahaa.
      52. Dumarka raaxadeedu waxay ku jirtaa inay gurigeeda joogto.
      📍sidaa uu illaahay udooraa wanaagu ku jiraa.
      53.akhlaaqda qofka muminkaa waa cibaadadiisa cibaadadiisuna waa akhlaaqdiisa.
      54. Guriga diin iyo quraan lagu akhrinayo waa dariiqooyinka dadku ku walaaloobaan ee ku hagaagaan.
      55. Ayaatka xasaaska nebiga kusoo degay iyaga uun gaar kuma aha dadkana waa lagula hadlayaa.
      56. Qofku waa inuu rabitaankiisa ka xoog bato oo dhaqamada wanaagsan ku sifoowaa oo kuwa xun ka fogaado.
      🍃Sida rabitaanka cunada oo soom ayaa layna faray.
      🍃Rabitaaanka hadalka run ayaa layna faray /xus allena ku buuxso.
      🍃Rabitaanka shahwada ilaalinta xubinta tarankaa layna faray.

    • @Ss53426
      @Ss53426 2 ปีที่แล้ว

      Faaiidooyina inta hore ee suurada vedioyada hore ka akhriso inta hadheyna vefio yada hadgey ka akhriso insha allah

  • @Fatuush-b2j
    @Fatuush-b2j 2 ปีที่แล้ว

    O⁹