Dadka Hiil Sharci U Baahan Oo Marka Uu Xadhigciqaabeedku Ka Dhammaado Xabsiyada S.land Lagu Sii Hayo

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 7 ก.ย. 2024
  • Dadka Xadhigciqaabeedka Lagu Xukumo Ee Dayn Iyo Mag Loo Haysto: “Dadkan duddada dheer xidhnaanaya, sharci ku ma xidh na ee xal bay ku xidhan yihiin,” Garsoore Hore Halac Dalmar Ismaaciil.
    Dadka dayn ama mag loo haysto ee iska bixin kari waayey, isla markaa xadhigciqaabeed lagu xukumay/xukumo, ayaa inta badan waxa dhacda, iyaga oo xadhiggii ka dhammaaday in ay hadda na xabsiyada Somaliland ku sii jiraan ilaa ay daynta ama magta iska bixinayaan ama laga bixinayo. Waxa kale xusid mudan, in qofka dayntii lagu lahaa aanay wax ba iska dhimayn.
    Guddoomiyihii hore ee maxkamadda gobolka Maroodijeex, Axmed Dalmar Ismaaciil “Halac”, oo muddo toban sano ah ka tirsanaa garsoorka Somaliland, hadda na ah la taliye sharci oo madaxbannaan, oo aaynu arrintan ka waraysannay, ayaa noo xaqiijiyey in dadkaa muddada dheer xidhnaanaya aanu jirin xeer sugaya xuquuqdooda, oo qofka marka uu ka dhammaado xadhigciqaabeedkii, halka arrintiisa madani loo celin lahaa, uu qofku sii xidhnaanayo si aan sharci ahayn, bal se loo haynayo ilaa uu daynta ama magta bixinayo ama laga shakisan yahy in qofku baxsan karo.
    Halac oo marti ku ah barnaamijka “Kulanka Gorfaynta” ayaa talooyin kala duwan oo muhiim ah soo jeediyey, oo ay ugu mudan tahay in Golaha Wakiilladu curiyaan xeer sugaya xuquuqda dadkaa muddada dheer xidhnaanayaa ee xuquuqdoodii madaniga ahayd meesha ka baxayso.

ความคิดเห็น •