Cabdiqaadir Oromo buugtiisu Aad Ayey u qiimo badan Yihiin buugaan markaad dhamayso Buugi kale Ee Taangiga Tigrayga Noogu xiksii Markaa kadibna Buugiisi Kale Ee Tiirka Colaada Thnks Thnks Wllo100%❤❤❤
Waan ka xumahay Cabdulqadir Oromo oo aan u haysatay nin intaa ka hanwayn in uu sheekooyinki ku tiri kuteen is la'ahay xafaduhu ku sheekaysan jireen in uu buug nooga dhigo. Kaliya wuxuu na tusay in uu yahay nin qabyaalad la il daran oo aan xataa ilaalin sharafta umad badan u haysay.
Buuga Waxaa Ka Hali Kartaa Brarakaat Book Shop kala Xiriir WhatsApp Nomberkan +252615451245
Aad Ayaad u mahadsan Tahay wĺlo
Alle haku barakeeyo buugan in badan Ayaan Raadinayay Buugan Runtii Thnks
guul gobanimo ❤❤😂 aabe siyaad
Buugan taariikhdiisa noo wad waa buug cajiiba sababihii burburka soomaaliya
Aad baad umahadsantahy sxb shaqo wanagsan ayaad noo haysaa inteena xiiseesa buugagta inee Dhageestan inkastoo aan isku riixo inaan aqriyo hadana sikasto dhageesiga ayaan kuheestaa❤
Cabdiqaadir Oromo buugtiisu Aad Ayey u qiimo badan Yihiin buugaan markaad dhamayso Buugi kale Ee Taangiga Tigrayga Noogu xiksii Markaa kadibna Buugiisi Kale Ee Tiirka Colaada Thnks Thnks Wllo100%❤❤❤
General Galaal Allaha uraxma
Mahadsanid
XASUUQII JASIIRADA
Magacyada,Iyo Beelaha Somaliland ee ay ka Soo Jeedaan 47 Marxuun oo 17.July 1989 Lagu Xasuuqay Xeebtii Geerida ee Jasiira ee Magaalada Muqdisho
Xasuuqii 17 July 1989-kii xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho ee lagu gumaadey dad shicib ah oo reer Somaliland ah.
Maalintii ay taariikhdu ahayd maantoo kale 17 July 1989 ayaa waxa dawladii Soomaaliya ee uu maamulaayay keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre uu ku kacay xasuuqii ba’naa ee xeebta Jasiira, taas oo lagu gumaaday dad dhalasho ahaan ka soo jeeday Jamhuuriyadda Somaliland.
Maalintaas oo ahayd 17/7/1989-kii iyada oo ay ciidamadii koofiyad casta ahaa ee taliskii Mohamed Siyaad Barre ay ku xasuuqeen dad shacab ah magaalada Muqdisho degenaa, kuwaas oo laga soo guray guryahoodii iyagoo hurda. Waxaanay dadka halkaas lagu xasuuqay isugu jireen macallimiin, dhakhaatiir, arday baayacmushtar iyo dad kale oo shacab ah.
Dadkaasi oo iyagoon waxba galabsan danbina lagu soo oogin dhegta dhiigga loo daray. Rabshaddii ugu waynayd ee magaalada Muqdisho ka dhacda dhamaadkii sideetamaadkii ee ay iskaga horyimaadaan dawladii xilligaas talada haysay iyo shacabku, waxay bilaabantay jimcihii 15 july 1989-kii markii ay dadwaynaha magaalada muqdisho iyo dawladdu si toosa isaga horyimaadeen.
Waxaana iska horimaadkaasi ka dhacay masaajidka sheikh Cali Suufi ee xaafadda Hodan. Kadib markii salaadii la tukaday baa dadwaynihii dhagax tuur ku sameeyeen askar badnayd iyo tikniko ku hareeraysan ayd masaajidka, ciidamaasina waxay ugu jawaabeen si naxariis darro ah waxaana halkaas ku dhintay sarkaal ciidamada booliiska ka tirsanaa. Waxaana taasi sababtay in magaalada muqdisho lagu soo rogo bandoo ka bilaabanta gabal dhaca ilaa
Ciidamadii duubcasta ayaa bilaaby habaynkii ayaxadii soo galaysay ee 17 July 1989 kii inay guluf iyo weerar ku qaadaan xaafado ka tirsanaa magaalada Muqdisho sida madiina iyo Hodan oo ay deganaayeen dad reer Somaliland ahi. Ujeedada hawlgalku wuxuu ahaa fal aargoosi ah. Waxaana Maslax Mohamed Siyaada amar ku qaar ka mid ah saraakiishii ciidanka qaranka ee ay isku qoyska ahaayeen inay layaan dadkaan masaakiinta ah ee aan waxba galafsan. Waxaana lasoo ururshay 47 qof oo ka tirsan gidddigood qabiilka Isaaqa. Waxaana dadkaasi la geeyey xeebta jasiira, markaasaa inta shan shan laysugu xidh xidhay baa qoriga boobaha ah ee Baroonka loo yaqaan lagu furay. Waxaana halkaas ku nafwaayey 46 miskiin oo aan waxba galabsan laguna dilay oo qudha qabiilka ay yihiin oo markaas dawladdu kuwada xukuntay dil. Waxaase mucjiso noqotay 47 kii qof mid kamida makrii ilaahy ka badbaadiyey xasuuqa foosha xun nin dhalinyaro ah oo la yidhaado Muuse Cumar Mire(Cawil ) oo daaha ka feyday gumaadkaas waxshinimada leh iyo siduu u dhacayba.
Warkan oo argagax ku noqday muqdisho gaarahaan safaaradii ajanabiga, waxaa dawladii markaas talinaysay isku dayday inay beeniyaan, laakiin waxaa meel kastaba ka caddeeyey Muuse Cumar oo sheegay siday wax u dhaceen. Waxaanu u ahaa gumaadka qudha ee saxaafadda caalamiga ahi ay ogaadeen, intii kale ee ay ku dhimatay laguna xasuuqay inkabadan 100,000 qof ma jirto cid sidaa wax ugu qortay. Waxaana dadkaasi layska laayay iyadoon loo aabo yeelin waxaana ay hadda hurdaan iilka qubuuraha xasuuqa ee degmooyinka iyo tuulooyinka Somaliland.
Kuwani waa Liiska Dadkii Kacaankii Siyaad Barre ku sadaqeeyey xeebtii geerida ee Jasiira:
Beeshaa Habaryoonis (Garxajis)
1.Ibrahim Hasan Gelle - US-OMC-somalia
2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie - Besinessman
3. Mohamed Ismail Ahmed - BUSINESSMAN
4.Yusuf Mohame Handulle - USAID
5.Abiwahab Farah Ahmed - Student
6.Mohamed Mohamud Abdi - Businessman
7.Hassan Aw Nur Barud - Businessman
8.Abdi Osman Dubad - Trader
9.Mohamed Musa Mohamed - Trader
10.Mohamoud Bacadle - Civil servent
11.Daud SH. Ibrahim
12.Farah Ismail Awale - Student
13.Dahir Mohamed Jama Warfaa - Trader
14.Dayib Abdi Burale - Trader
Beesha Ciidagale (Garxajis)
1.Husein Omar Husein - Trader
2.Saeed Mohamed Mumin - Ass.pro.Lafole S.N.U
3.Musa Abdi Gaas - Businessman
4.Abdi Barre Osman - Graduate.
5.Barre Osman Abdi - Trader
6.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) - Trader
7.Yusuf Abdillahi Roble - Graduate Dr.
Beesha Habar Awal
1.Ali Mohamed Abdi - Student
2.Abdi Mohamed Abdi - Technician
3.Ahmed Yassin Omar Jama - Businessman
4.Mohamed Abdi Hassan - Businessman
5.Ibrahim Hassan Ege - Technician
6.Abdi Muhumed Daud - Businessman
7.Jama Mohamed Abdi - Trader
8.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) - Sportsman
9.Rashid Mohamed Osman
10.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan - Trader
11.Abdirahman Ahmed Dhimbil - Civil servent
12.Hussein Muhumed Farah - Civil servent
13.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) - Trader
14.Abdirizaq Aydiid Mohamed - Student
15.Hussein Osman Jama - Student
16.Khadar Mohamed Ahmed - Student
17.Bihi Ibrahim Ahmed - Student
18.Hassan Nur Hersi - Student
19.Abokor Mohamed Yousuf - Trader
20.Hassan Guure Abdi - Trader
21.Khadar nuur Jama - Trader
22.Ahmed Yusuf Ibrahim - Trader
23.Mohamed Osman Jama - Trader
Beesha Arab
1.Hassan Abdi Muhumed - Businessman.
2.Matan Abdi Habashi - Student
3.Fuad Abdillahi Ibrahimshicib
Beesha Habar Jeclo
1.Hussein Ali Aden - Businessman
2.Saeed Nur Musa - Businesman
3.Abdirahman Mohamed Bihi - Businessman
4.Abdifatah Ahmed Jiir - Student
5.Ali Mohamed Dirie - C.Serv
6.Jama Aden (barosin) - Civil servent
7.Hussein Kheyre Abdi - shicib
isla habeenka ayaa waxa sii xoogaystay xasuuqa askartu ku hayaan shacbiga reer waqooyiga
waxaanay qabteen laba nin oo kale inta lagaranaayo oo ayaguna ku shahiiday xeebta Jasiira
kana mid ahaa dadki sida naxariistarada loo laayay.
waakuwan labada shahiid magacyadoodu ilaahay ha u naxariistee
Beesha Sama Roon
1.Warsame Dugsiye Reydal - Trader
Beesha Madigaan
1.Muhumed Abdillahi Warsame - Trader
Intelligence Cid Barre Cali
BAL ODAYGAA JAAHILKA AH EE DHAQANKA XUN EE GABADHA YARI DHABTA UUGU FADHIDO EEGA AFWEYNE JAAHILBUU AHAA GAAL AH OO QURAANKA KARIIMKA AH BEENIYAY
Maxed siyaad waa halyeey somaliyeed
Haduu dalka gudihiisa ku dhiman lahaa isagoo difaacaya halyey baan dhihi lahaa, haduuse siduu xukunkiisa u ilaalinayey dad liitana uu yiri kacaanka difaaca dadkii nadiifta ahaana
mid la xiro iyo mid la
dilo ka dhigay isagiina markii hareeraha layska taagay uu dalka debadiisa u cararay kuna dhintay,qof aan somali ahayni halyey kuma tilmaameen!!!!!!
iyo mid carara
Caaq qabyalad qalbiga ka madobeysay
Siyaad Barre kacaankiisii waxa kudhuuso wadaad gadh dheer iyo qabileyste jabhad wata
😂Galaal aa national hero la rabaa in nalooga dhigo. Waa taariikh gacan kurimis eh.
Hi😊
Waku wataa geesi
Sxb waxad barnaamij kasoo diyaarsiaa taarikhdii general xuseen xasan cali
Nin soo halgamay weeyee si kaydka tariikhda uu u galo
Horta Kan channel Kan leh qarni joog iyo Abdiqadir Oromo waa MAREEXAAN ayaan U maleyn taariikhdan buun buunin badan ayaa Ku jirta
Major General Jama Ali Qirsheil wuxu ka so jeeday magalada Cerigabo, wuxuna ahaa nin Warsangeli ah oo isaga iyo aabihiba Dhulbahante dhalay.
General Qorsheil waxay xigeen Samater Jeeni Cadde oo ahaa Mutarjamki ugu horeyey ee Gaaladi Xeebaha Waqooyi 1848ki.
Marki Kacanku dhashay ayuu wiil Warsangeli ah oo Cadan ka so wareegay way diiyey Qirsheil"Aderr hebelow thowradda ka warran"
Inanki ayaa ugu jawaabay "ader hadaad i waydisay thiwradda, waxan ku sheegayaa
الثورة تأكل أبنائها
Kacanku caruurtisa ayuu cunaa".
Yaaba gaarikara kaas.
Waan ka xumahay Cabdulqadir Oromo oo aan u haysatay nin intaa ka hanwayn in uu sheekooyinki ku tiri kuteen is la'ahay xafaduhu ku sheekaysan jireen in uu buug nooga dhigo.
Kaliya wuxuu na tusay in uu yahay nin qabyaalad la il daran oo aan xataa ilaalin sharafta umad badan u haysay.