Hablo weerar geli kara Hablo geela dhicin kara Hablo geesi dili kara Gobonimana hanan kara Hablo talada goyn kara Garta madal ka niqi kara Garashana iskaga mida Quruxdana ka wada gob ah Geesteena mooyee Gayi kale ma joogaan. eryadii : Alle Cimrigiisa Ha Alle raajiye abwan Hadraawi codkii Halaasiga haa: legend khaliifa
what a song majurity and distinct voice contrary to the recent self declered artists which apparently I call them " CHAB LAYAL" because they carry all thier profiles in thier pockets I hope they learn a lot this outstanding voice and performance with no disturbance in in the middle calling themselves the only one or ustads
Alle ha caafiyo abwaan hadraawi wuxu ku xanuunsan yahay somalilnd illhy isaga awood leh oo ka dulqaad kare xanuunka uducee inuu ilahay ino caafiyo ❤️❤️😢😢
hadba tooda goosha ganaceega jabisaan dadku gabana xooriyo garac iyo ayaa la yidhaah inagoo gumooniyoo dhaqan guuray weeyi love the song and insane lyrics thumps ups to hadraawi and sayid khalifa to this one uplifting song
MAASHA,ALLAH.WAQTIGAAAD GALISAY HEESTAAN OD U SHARAXDAY SI DAD BADAN U FAHMAAN DULUCDA IYO MIRAHA HEESTA..RUNTII HEESTAAN AAD AYAAN U JECLAHAY KAMANA DAALO MEEL WALBO AY IGA SO HORBAXDO MA DHAAFI KARO. HEESNA LAMA DHIHI KAREE WA CASHAR WAX KU ALL AH.MARKAAN DHAGEESTO WEY I DHIIRO GALISAA DUMAR AHAAN,IYO SIDAAN HORMUUD UGU NAHAY GURIGEENA IYO KAAN KU SO KORNAYBA,I FEEL BROUGHT FOR MYSELF,BECAUSE WA SIDAAN U BADANAHAY,GABDHAH SOMAALIYEED WA LAF SHABARKA SOMAALIYA KANA DHIMAN WEESAY,WEYNA U QALMAAN RUNTII HEESTAAN,DHIIRAGALINE WEY NOSII TAHAY,ALLAHA XAFIDO FANAANKA IYO ABWAANKA ISKU HOWLAY INEY PICTURE KA BIXIYAAN,DUMARKA SOMAALIYEED.
Halla heestan waxaan anna somalia jooga wakhtigu Markuu aha 10.11.2012 ayaan voa ka dhegeystay lkn magaceeda man aan aqoon cawaan mansadii Hadraawii dhegeystay ban heley 💪🏽 tariikhda wa 29.9.2020
All fanaal sayid khaliifa waxan ka codsanaya anigo ah tageeraha heestii Amal in ad so cusbooneysiiyo waadna kumahadsantahay heestan qiimaha badan fanaanimada waa loodhasha lama khasbado al fanaan hanbalyo its good to have u back in fanka somaliyeed thanks
Ma geyoon ma gamashiyin Ma gommodin ma gaagixin Ma gabloobin maan gudhin Mana gabin halkaygii Gabaygiina maan deyn Geeraarradaydii Imminkaan gardaadshoo Weli maan gunaanadin
allah yaa xaafid sayid khalifa and abwaan hadraawi mahadi ha ka gaartee heestaan waa hees aan jeclaajiray waxaana saakey ka fiirsadey hctv aadbey u mahadsanyihiin bahda hctv for this beautiful song and wali ma arag heestaan hees ka macaan.
yasalm heestan oo kale umalyn maayo in ay maskax qof soomaali ah ku hadhay ooy ka soo maaxan codka iyo sida cajiibka ah ee uu fanaanku u jilayna waaba ka darantay soo maalaay dhaqan guur baa inagu dhacay ee aan is badh qabano bal wax baaqiya
Hadii aadan huraynin inaad heesaha dhagaysato waa tanoo kale tan mudan ee lagu amaanayo hablaha somaliyeed, waxaa uu ka midyahy dadka yar ee fahmi kara sharafka iyo qiimaha qaayaha ay leeyihiin waxan ogaan kara nin gogol useexda
walle mid kala dheer gaayo mahe sayid dhalifa waxaan kaga codsanahayna in aad heeso badan noso qaado oo kuwaano kele ah waan jecelahay fananada heesaha sida loo sameeyey u qaade ee aan silcin masha alah ayaan ku leeyahay lakin miyey kula garanayaan waxaad murti tirisay somalida qaari masha laah mar kale
Mashaallah wlhibaan ku dhaarte nimanka somaliland ama rerr waqooyi nin xaga gabdhaha ixtiraamkooda ku gaadha ma jiro aduunka dhan lagama maro xaga dumarka mashaallah afkooda xadiis ayaa ka qubta amaan murti midhan waaye hadraawi ayaa ku tusaale oo leh heesta hooyo iyo tan isaga sameyay mashaallah allow no dhawr wilasheena 💖💖 abayasheen odhan waa isku dhaqan ixtiraam xaga dumarka ❤️❤️❤️💪
walaal arintaasi waa xaqiiq, laakiin aad ayay idinkaga sheegtaan, inaad tihiin dumar kul kulul, ee ragga u dabciya, salaama from Dayniile, Muqdisho
waa runtiis gabdhaha soomaaliyeed ilaahey wuu siiyey qurux iyo karti Mansha Allah
mash allh
Mashallha hablahaa somali anaa so arkaay naag shiisheeyo
Mashallhaa abaayo mcn kulaa qaabaa
Masha Allah My Somalian Muslim Brothers & Sisters! Love from a Maroccan Brother.(L)
We love you too bruh lemand💗
9
Love brother❤
Sayid Khalifa waxaa kaaga markhaati ahay in gabdhaha soomaaliyeed ay yihiin diomond-Ka qaaliga ah ee Soomaali Ka dhex muuqda waana indho beeli lahaa haddii aan waayi lahaa muuqaalka gobta gabdhaha soomaaliyeed.
Mohamed Ali
GEESI AAN GABAN
ANNIGUBA RAGEENA WAAN KUFANAA
GUULEEYSTA
Mohamed Ali laakin wilasheeno ma qadiriyaan badidoodu
HADAAN RAGAYAGA WAAYO MA AANAA NOOLAANLAHAA
SIDII UBAX QALALEY BAAN RIFRIFMILAHAA
AABAHAY ADEERKEEY WALLAALKEY WIILKEEYGA GEESIGA IQABABA IYO DHAMAAN WIILASHAYADA SOMAALIYEED WAAN KUFAANAA
Alle hakusharfo walal
Heesta abwaanka leh baa mahada koowad iska leh abwaan maxamed ibraahin warsame hadraawi alle hacaafiyee faanankana mahadnaqa koowad
❤❤Msha Allah alle hawnaxariisto qabrigana hawnuuriyo insha Allah abwaan ibraahin Warsame Hadraawi raximullah 😢😢
Ereyo xaqiiqada kuqotoma Abaal baad kuleeday hablaha Somaliyeed inaty nool yihiin quruxina waa hablaha somali alle haydin xafido dhamantiinba inta dhimatayna alle hawnaxariisto❤ ❤❤❤❤🎉🎉🎉.
Hablahu amaan iyo kabadan way u qalmaan😊 Allah ha xifdiyee waa Hooyo, walashaa iyo Xaaskaaga❤️
ereyadii maxamed ibraahin warsame (haadraawi) alle ha caafiyo (uu xanuunsanaya)
allaha cafimaayo
Hamse Ali
Amiin alle ha caafiyo waa abwaan hormuud u ah fanka heesaha soomaaliyeed
اللهم آمين
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteena mooyee
Gayi kale ma joogaan.
eryadii : Alle Cimrigiisa Ha Alle raajiye abwan Hadraawi
codkii Halaasiga haa: legend khaliifa
😥😥😥😥😥😥😥😥allow hadrawi cafimaad sarecanaa ugu deeeq wn ooyaa markaan midhahan uu leyahay abuunku u ku amaaney hablahaa somaaliyeed wxn nahay kuwa ugu nasiibka badana haween weynahaa aduunka
16/3/2021 waxan ka dawanya Hargiesa duleedkeda (cadaadlay)🥰Hablaha geeska😍
I thougt I came here looking for the famous Sudanese Sayid Khalifa...glad my Afar self also speaks Somal as well...I like the song walaalayaal
labaduba way mahadaanyihiin Abwaan maxamed ibrahim warsame iyo sayid khaliifa midna waaa alifay midna sifcn buu ugu luqeeyey hablaha somaaliyeedna abaalbay idinku hayaaaan
Beautiful song
Miraha kaliya wax lasiisto jirin
Thanks Abwaan 🌷💝
masha alah heestan aad ayaan u jecelahay iyaado qoral ah ayaan aqristaa inta badan waa mirihiii hadraawi baan umalaynayaa masha alah
what a song majurity and distinct voice contrary to the recent self declered artists which apparently I call them " CHAB LAYAL" because they carry all thier profiles in thier pockets I hope they learn a lot this outstanding voice and performance with no disturbance in in the middle calling themselves the only one or ustads
Alle ha caafiyo abwaan hadraawi wuxu ku xanuunsan yahay somalilnd illhy isaga awood leh oo ka dulqaad kare xanuunka uducee inuu ilahay ino caafiyo ❤️❤️😢😢
Ninka xaasleh ayaa garanaya qaaliga dumarkeena (Anaa helay taan u hawlgalay)
Heestan qof kii ku cel ceshada lake ha saaro
Yaasalaam
A hl
I love this song viv hablah geeska Africa
hadraawi
hadba tooda goosha ganaceega jabisaan dadku gabana xooriyo garac iyo ayaa la yidhaah inagoo gumooniyoo dhaqan guuray weeyi love the song and insane lyrics thumps ups to hadraawi and sayid khalifa to this one uplifting song
Hadaan guud haldhaleey kolba gacan lasaareeyn ileen gogoshu wehel male Allow mid kheyr qabto igu soo hagaaji 🤲🤲 Siyid Khalifa Legend Soomaaliyeed
2021-ka oo 10 cisho ka dhiman tahay iyo Muqdiaho, by by 2020,❤✔👏 Hablaha Geeska Africa.❤✔👏
I'm watching 2020
Gabdhahii soomaliyeed best of all. Bless u
waaaaaaaaaaaw, sayid khaliifa, codka still sounds like originalki 30yrs ago-good 4u
Alla Yaacizak sayid khaliifa....masha allah codka xariirka caadi maaha iyo naaxiyada heesta
HABLO WERAR GALIKARA HABLO GEELA DHICINKARA HABLO GEESI DILIKARA. wow heesan radinaye wax badan wa hees lagu fano Fakaga Cano lagu qabay
👍
💝💝
manta hablahasiy ma joogan
waa hees ugu cajibsa
Gabay ha la vers la il qooral ah
Sayid khaliif taaariikhda hablaha soomaaliyeed adiga iyo hadraawi kumanaan qarni baa laga sheekayan doonaa
True %
Hablaha duriyada Noolada ❤❤❤❤❤
Masha ALLAH insha AllAH abwaankan gobolkiisii baam jooga imika burco waligay man arag malin dhaw baan booqanaya insh ALLAH 😍😍😍 3/6/2018
A.xakim xasan cabdale (moto).
Dhaxalkii abwaan hadrawi💔😭 alle haunaxariisto qamuuskii iyo Halyeeygii inaga baxay
Sayid khaliifa runtii waa fanaan qaali ah waa markii ugu horeeysay aan ka arko muuqaalkiisa youtube
Aad ayaan ugu mahad celinaya sida aad noo aamaantey Cimri dheer iyo caafimaad Ilahey haku siiyo Bashbash iyo Barwaaqo😍💖💖💞
mansha allah hadraawi midhihiisii cimrigaagu dheeraa iyo cibaadasuban
I really like this song, I listen this song 4 days in a week
thank you my bro god bless you and your family
Hadraawi Hablahu ama gabdhuhu waa inay siiyaan bilad maxaa yelay heeso waxtarkooda tilmaamaya ayuu sameeyay heestaan hooyooyla aantaa maansada kalee anuunbaa hooyadaa ah sahra iyo qaarkaloo badan
Bilada qalbiga aan ugu soo diray ilaahay ayaa Bilad fiican siiyay wayoo waxaw kadhigyay Nin fiican oo sharaf badan iyo caqli badan leh🌸
Ilahay aa Bilad fiican siiyay wayoo waxaw kadhigyay Nin fiican oo sharaf badan iyo caqli badan leh
@@faadumaentrepreneusemarwoe3730abwaanku maanta waa marxuune u soo ducee wll inuu ilaahay qabriga u nuuro
EESTA CAANBAXDEY ee "Hablaha Geeska Afrika", dad badanina laga yaabo inay si fiican ugu xusuustaan inuu ku luuqeyn jirey Khaliif Cismaan Cabdi 'Sayid Khaliifa,' heesaagii Kooxdii Iftiin ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta, - waa hees aanan weli la kulmin suugaan si la mid ah ugu xeel dheeraatey ammaanta dumarka Soomaaliyeed. Waa heesta kaliya ee aad ka heleyso inay taabanayso dhinac kasta nolosheenna kaalinta ay dumarku kaga jiraan nolosha bulshada, tan qoyska iyo qarankaba.
Suugaanta Hadraawi oo lagu yaqaan inay qani ku tahay miisaan culus oo murti suugaaneed, in kasta oo dadka qaar ku dhaliilaan in maansooyinkiisu dhaadheer yihiin erayo af Soomaali ahaan culus oon la fahmayna laga helayo, hadana anigu ma arkin hees murti ahaan ka fasaaxo sarreysa, fahamkeeduna ka sahlan yahay, welibana xagga cabbirka iyo asteynta ujeedada ay ka hadlaysona uu si qoto dheer ugu dheeraadey.
Tusaale ahaan waxa uu damcey inuu muujiyo kaalinta gabdhaha Soomaaliyeed iyo sida aan looga maarmin xilli-farxadeedka saman barwaaqo ah amaba nolosha kale ee rag & dumar ka dhaxaysa xilliga madadaalada iyo haasawaha guud ee caweysinka habeenkii. Sida aad ka arki doonto erayadiisa tuducan soo socda waxaa uu sawirayaa in fagaaro caweys ah oo dhallinyaro ku kulanto aanu waxba dhaamin meel cidla' ah amaba xabaalo ciirsi la’ ah haddii aanay gabdho joogin oo aanay goobtaa bileyn. Waxaana uu yiri:
Gu´ hagaagay oo da´ay
Dhulka geedo jiifaan
Gurya-samo barwaaqa ah
Haddii geeddi lagu furo
Dhallinyaro is gurataa
Gurdan raaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo
Cagta garan-garteediyo
Isu geysa jiibkoo
Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro
Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa
Qof gaboobey kicisoo
Gelbiskiyo mashxaraddaa
Gama´kaa ilaashee
Haddaan gabari boodeyn
Illayn gegi ciyaareed
Wax ma dhaanto geeriyaad?
Billowga heesta waxa uu daah fur ka dhiganayaa erayo uu kaga jawaabayo hadal suuqeed horraantii 70aadka soo baxay oo xan ahaan looga faafiyey beri musaafuris ahaan lagu geeyey degmada Qansax Dheere. Waxaana sida aan ku maqlay haddalladii laga sheegey ka mid ahaa in uu murtiguurey oo gabaygii iska daayey sidaasna isaga aamusey.
Abwaan waa kii af-maal ahe waxa uu goostey inuu suugaantiisa isku difaaco oo iska caabiyo huuhaadii suuqa la mariyey, waxaana uu ararta heesta ka dhigtey tuduc uu abwaanimadiisa ku difaacayo isaga oo hoosta ka xariiqaya inay suugaantiisu nusqaanto ama dib u gurato ha joogtee inay haatanba hanaqaadkii iyo heerkeedii ugu wacnaa ku jirto. Waxaana uu qaybtan oo heesta billowgeeda ah ku yiri:
Ma geyoon ma gamashiyin
Ma gommodin ma gaagixin
Ma gabloobin maan gurin
Mana gabin halkaygii
Gabaygiina maan deyn
Geeraarradaydii
Imminkaan gardaadshoo
Weli maan gunaanadin.
Murti nimaam gunteediyo
Baran gogol-dhiggeedoo
Gonda degi aqoonoo
Garab-daar lahayn baa
Gawl-gawla hadalkoo
Kolba dhinac garoocdee
Sida Webi Ganaanoo
Cirka godollo maaloo
Biyihii ku gaaxdiyo
Gebiyadii ku soo degey
Ku darsaday gufaaciyo
Guullaama diriroo
Geli jabay habeenkii
Kolba gacan ma soo rogay
Quraciyo galoolkii
Gunta xididka maw jaray
Dhulka wada galaal iyo
Gabbalaha ma kaga tegey
Afartaa geddaydii
Dhaha laygu garan jirey
Dhaqanka Soomaalida waxaa meel sare kaga jira in ragga lagu ammaano halyey-nimadooda iyo dagaalyahannimada. Hase yeeshee geesi kasta ee wacdaro goobaha dagaal ka dhiga waxaa uu Hadraawi galladeeda siinayaa gabdhaha Soomaaliyeed oo ay u muuqato inuu leeyahay, ma ninbaa geesi kastuu yahay dhiggii iska caabin kara haddii aanay gabari guubaabo la daba socon oo aanay intaa ka hareer dagaalamayn. Ma nin baa halyeynimo diriri kara haddii aaney dhegihiisu maqlayn cod dumar oo guubaabin, geesinnimo gelin iyo kicin la hareer joogin. Waxa uu yiri:
Gurmashada dagaalkiyo
Gulufkiyo colaadaha
Goobaha naf waagiyo
Halka laysku gawraco
Marka gorodda lays daro
Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn
Sida galowga dhiilloon
Illayn geesi qayrkii
Birta kuma gumaadeen!
Haddana waxa uu u soo jeestey guriga lagu nool yahay, ee gabari joogto sida uu sacaado u leeyahay ee ay gabadhu nolol u geliso. Sida aanu gurigaasi habaas iyo xaab-ba u lahayn, sida uusan kud-kude iyo kutaan oo dhan u lahayn. Sida cayayaanka looga diley, sida uu u dugsoon yahay una udgoon badan yahay.
Haddaan guudka laga jirin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan
Illayn guri dugsoon ma leh?
Dhinac kale oo isla aqalka ah ayuu markanna eegayaa waa marka gudaha aqalka loo galo iyo firaashka oo la isku weheshado, isaga oo muujinaya cidlada sariirtu leedahay haddii qofka aan lamaanihiisu ku wehlin. Waxaana uu suureynayaa haddii aaney gabari ninka ku wehlin gogosha sida aanu jiifka u qabanayn hurdona ugu istareexeyn oo uu intaa habeenkii oo dhan gebi-dhaclaynayo wehel la’aan ku dhamaysanayo. Wuxuu yiri:
Gaadaha habeenkii
Kelidaa galgalashiyo
Ged-geddoonka dhalisoo
Adigiyo go´aagaa
Hadba dhinac u guuroo
Barkintaad gabbood iyo
Gaashaan ka dhigataa
Haddaan guud haldhaaley
Kolba gacan la saareyn
Illayn gogoshu wehel ma leh?
Abwaanku Nolosha guriga iyo gogosha kuma joogsane waxa uu sidoo kale daraasaynayaa kaalinta dumarku ku leeyihiin in ninku uu nolosha guud ahaan guul ka gaaro. Waxa uu qiimaynayaa saamaynta ay haweeneydu ku leedahay halganka ninkeeda iyo dhismaha qoyska oo haddii nasiibkiiisu siiyey ‘marwo garasho dheer’ uu baraaraha nolosha ku gaari karo. Waxa uu u qirayaa in haweeneyda wanaagsani ay tiir dhexaad reerka u tahay. Waxa uu qirayaa in haweeneyda ay ninka u tahay gaariga horumarka noloshiisa oo nimaan gaari qabin aanu nolosha ka guul keeni karin.
Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illayn noloshu guul ma leh?
Dhinac kale oo heesta ah ayuu abwaan Hadraawi kaga hadlayaa kartida sarreysa ee gabadha Soomaaliyeed iyo sida qawmiyad kastaa ay ugu tiirsan tahay haweenka horumarna ku gaaraan kaalinta haweenkooda. Waxaa uu tibaaxayaa ku dheganaaanshaha dumarka Soomaaliyeed ee hiddahooda iyo sida haweeneydu ugu samirto dhaqankeeda wanaagsan ee aysan uga guurin illaa ay ka geeriyooto.Waxaa uu muujinayaa haybadooda qofnimo, hannaanka labiskooda iyo hallaasiga socodkooda. Degannida, hubqaadkooda, tallaabada iyo laafyaha xarragadooda, xishoodkiyo gebi ahaan garashadooda.
Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gol leeyahay
Go'i waa barbaareey
Gobi waxay ku dhaqantaa
Garab waxay ka dhigataa
Gallad waxay ku dheeftaa
Samo waxay ku gaadhaa
Golollada haweenkee
Hiddaheena gaarka ah
Hablihii gabowgiyo
Geerida ku sugi jiray
Hablihii garayskiyo
Xidhan jirey guntiinada
Hablihii gu' iyo dayr
Sida baarqab golongolay
Dhexda xadhig ku goyn jirey
Hablihii garaaraha
Gaatan-socodka laafyaha
Sida gorayga ciideed
Gelbin jirey tallaabada
Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa
Gama' aanay ledi jirin
Hablii talada guunkiyo
Gunti jirey xishoodkee
Hadalkoodu gaabnaa
Hablihii gef hooyiyo
Qarsan jirey guhaadee
Hadday godollo soomaan
Ama gaajo liitaan
Cidi aanay garan jirin
Hablihii gammaan faras
Iyo geela ugubka ah
Guur doon ka bixin jirey
Hablihii Gargaariyo
Guuleed ku curan jirey
Goldaloolo iyo ceeb
Hablihii ka guban jirey
Hablahaan gankoodiyo
Hilbahooda gadi jirin
Haddii aad gujeysaan
Guul guul ku laysaan
Godol qudha ku mooddaan
Gabbalkooda dumisaan
Hadba tooda goosha ah
Ganacdeeda jabisaan
Dadku gabanna xooriyo
Garracyaley yidhaahdaan
Inagoo gumowniyo
Dhaqan guurey weeyee
Qodob kalena waa farriin iyo digniin uu siinayo ragga, isagoo hoga tusaalaynaya inaaney dhaqan xumayn iyo sharaf dil ku samayn dumarkeenna. Waxaana uu ku boorrinyaa inay raggu ka sariigtaan uga dan bogashada gabdhaheenna ee si aan sharciga iyo dhaqanka wanaagsanba waafaqsanayn. Waxaana uu ka digayaa indhaqan xuma kasta ee ninku kula kaco gabdhaha ay tahay xisaab u qoran oo meel u taalla oo uu galab kale ka sheekeyn, ayn ka go’an tahay godob uu naftiisa iyo qoyskiisa ka galay oo ka go’an gabdhihiisa iyo xaasaskiisaba.
Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gol leeyahay
Godob aabbe falay baa
Ubadkiisa gocondhiyo
Gumar shidan ku noqotoo
Gebi dheer ku dumisee
Ninka inan ma geyda ah
Golqaniin ku maalee
Gurrac kaga danaystow
Waxaad gaaxsanaysiyo
Gashigaad cunaysiyo
Xumahaad geleysaa
Ruuxay ka go’an tahay
Gabadhaada weeyee
Gefka aad falaysiyo
Waxaad geysanaysaad
Galab kale ka sheekeyn.
Tuduca ugu dambeeya heesta waxa ay gunaanadaysaa kartidii gabdhaha Soomaaliyeed oo si guud mar ah uu tilmaan uga bixinayo halyeynimada geesinnimadooda, kartidooda, garashadooda quruxdooda iyo kaalinta ay bulshada kaga jiraan, wuxuuna u muuqdaa mid leh dumarkeennu waxa ay horyaal u yihiin dumarkasta mana jirto geyi kale oo laga helaya dumar gaara gabdhaheenna.
Gebagebada sheekada
Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteena mooyee
Gayi kale ma joogaan.
MAASHA,ALLAH.WAQTIGAAAD GALISAY HEESTAAN OD U SHARAXDAY SI DAD BADAN U FAHMAAN DULUCDA IYO MIRAHA HEESTA..RUNTII HEESTAAN AAD AYAAN U JECLAHAY KAMANA DAALO MEEL WALBO AY IGA SO HORBAXDO MA DHAAFI KARO. HEESNA LAMA DHIHI KAREE WA CASHAR WAX KU ALL AH.MARKAAN DHAGEESTO WEY I DHIIRO GALISAA DUMAR AHAAN,IYO SIDAAN HORMUUD UGU NAHAY GURIGEENA IYO KAAN KU SO KORNAYBA,I FEEL BROUGHT FOR MYSELF,BECAUSE WA SIDAAN U BADANAHAY,GABDHAH SOMAALIYEED WA LAF SHABARKA SOMAALIYA KANA DHIMAN WEESAY,WEYNA U QALMAAN RUNTII HEESTAAN,DHIIRAGALINE WEY NOSII TAHAY,ALLAHA XAFIDO FANAANKA IYO ABWAANKA ISKU HOWLAY INEY PICTURE KA BIXIYAAN,DUMARKA SOMAALIYEED.
@@ubahwarsame7693 Adaa mudan walal hablaheena wax gaadhaya ma leh
Saaxiib sharaf iyo karaamo korkaaga ha ahaato heesta fahamka aan fahmay waxaa 100% iga caawisay qoraalkaagan aad ku lafagurtay micnaha iyo fariinta ay midhuhu xanbaarsanyihiin. Caqliga iyo garashada alle hakuu barakeeyo...❤
Erayadii maxamed ibraahin warsame( hadraawi) alle cimri dheer iyo caafimaad hasiiyee
Halla heestan waxaan anna somalia jooga wakhtigu Markuu aha 10.11.2012 ayaan voa ka dhegeystay lkn magaceeda man aan aqoon cawaan mansadii Hadraawii dhegeystay ban heley 💪🏽 tariikhda wa 29.9.2020
WHO IS WATCHING...👀 2023
I'm watching 2021 still waa ku hysta
Hablaha geeska afrika
Gob weeye hablahayaga soomaaliyeed
🎤🎤🎤mid kamida hesaha ugu sareya somalida #khaliifa
Fanaan Sugaan yahan❤Somaliyeed
waa hees qiimo badan alfa alfa mabruuk abwaan hadraawi iyo sayid khalifa
Eebbe haka raali noqdo Mohamed walanwalan, curintii heestaan nin kasta oo Soomaali ah oo maqla heestaan kuma dhiiran karo inuu guur ama gaabsi ka damco gabar ajanabi ah.
Waxay heestaan tilmaamaysaa tayada hablaha Soomaaliyeed.
mawlemagan d
aaar tayana maleh naagaha somlidu waayo wada caaq tirsi badan
WAA HEES QIIMO BADAN
All fanaal sayid khaliifa waxan ka codsanaya anigo ah tageeraha heestii Amal in ad so cusbooneysiiyo waadna kumahadsantahay heestan qiimaha badan
fanaanimada waa loodhasha lama khasbado
al fanaan hanbalyo its good to have u back in fanka somaliyeed thanks
Hadrawi💯🔥
Sayid Khalifa 💯🔥
intii 2019 dhagaysanaysa likeisaraH
ereyo iyo cod iyo laxan iyo music..
hees dhaxal gal ah
HEES QIIMA BADAN THANKS SAYIDKA IYO HADRAAWI
Waa erayadii a waan hadraawi
Fanaan waad mahadsantahay
Eayaduu abwaan hadraawi cimar dheer iyi cafimaad alle hasiiyo
Masha Allah xifdulah thank you
2019, 14, 11, SOOLMAALIYOOW , ISKA BAANAA BAAXA WAALHII XAAQII 30 YEARS AAA OOYEEYSAAN LAAGUUGUGU SOO KOORSIDAY , XAMAR [ FIIRII 2019, 14 , NOVEMBER ] NAACAAS MA DUUMAAN KAALO .
asc. dhaman umada soomaliyed aad ayaan kuu bogadinayaa fananka weyn ee soomaliyeed masha alah codka miraha laxanka musuga waa loo dhameystiray waa dhab in hablaheena amaantaan leeyihiin..... al fanan sayid qaliifa afkada cano lagu qabay. waxaan kaloo kaa sugeynaa heesihii macanay.AMAL. BARA RIYAQ IYO DHAMAN
yaa ila daawa naayo 2019 oo maalmo dhiman waxan marqati ka ahay hablaha somaliyed iney yihiin nomber one aduun ka hablaha ugu shidan waa idin jclhy wlhi farxad ku nolaada habalahena sharafta badan qaali ayaa tihiin umac umac umac umac umac
Eesh calaa Abwaan &Eesh calaa Fanaan
Ma geyoon ma gamashiyin
Ma gommodin ma gaagixin
Ma gabloobin maan gudhin
Mana gabin halkaygii
Gabaygiina maan deyn
Geeraarradaydii
Imminkaan gardaadshoo
Weli maan gunaanadin
Www inam caadi maah May 31 2020
Ileen geesi qayrkii birta kuma gumaaden🥰🥰
allah yaa xaafid sayid khalifa and abwaan hadraawi mahadi ha ka gaartee heestaan waa hees aan jeclaajiray waxaana saakey ka fiirsadey hctv aadbey u mahadsanyihiin bahda hctv for this beautiful song and wali ma arag heestaan hees ka macaan.
Gelbiskiyo mushxaradaa
Gama' kaa ilaashe
Haddaan gabadhi boodeyn
Ileen gego ciyaareed
Wax ma dhaanto geriyaad
Abwaan hadraawi alle ha caafiyo
Thanks for the song it is awesome.
WONDERFUL Poet and Best singer
Allow iikaa daa abti macaan ❤️😘🥰
Hablaha geeska
abwaan hadraawi♥️
Wuu Nool yahay Abwaan Hadraawi
cajiib miraraha i dilay yaa slaaaaam
Hadrawi ALLE ha unaxariisto😭😭
woow xikmadii hadrwaaawi nin isaaqa ayuunba laga helaa xikmada intaa leeg somalaay ogaada reer sheikh isaxaaw bini aahm,ed
adayasha somalidu waxay odhan jireen 100 sano ka hor, hadii ajinabi dalka inla degi lahaa nin soomaliyeed gabadh uu gursado ma heleen. nin somaaliyed oo ajinabi qabaa waa yar yahay.
This is really great song thanks to Hadraawi and Sayid khaliifa
Waa runtii Maashaa alla
Axyaa hees hadraawi
Ereyo ayaad samaysa
Ilaahay ha ku daayo
Mashllh waxa aan salamayaa abwaan hadraahiw waa erayadiisii
Hubaall hablaheena soamaliyeed lama sina hablaha kalle
Qurux Gaarinimo, Garasho,Marwanimo
Allow xifdi hablaheena Allow noo dhawr meell aysan ka muuqan waa abaar
Hees iyo nus ❤❤❤
Hadrawi ❤❤❤
yasalm heestan oo kale umalyn maayo in ay maskax qof soomaali ah ku hadhay ooy ka soo maaxan codka iyo sida cajiibka ah ee uu fanaanku u jilayna waaba ka darantay soo maalaay dhaqan guur baa inagu dhacay ee aan is badh qabano bal wax baaqiya
WHO IS WATCHING...👀 2022
Hadii aadan huraynin inaad heesaha dhagaysato waa tanoo kale tan mudan ee lagu amaanayo hablaha somaliyeed, waxaa uu ka midyahy dadka yar ee fahmi kara sharafka iyo qiimaha qaayaha ay leeyihiin waxan ogaan kara nin gogol useexda
walle mid kala dheer gaayo mahe sayid dhalifa waxaan kaga codsanahayna in aad heeso badan noso qaado oo kuwaano kele ah waan jecelahay fananada heesaha sida loo sameeyey u qaade ee aan silcin masha alah ayaan ku leeyahay lakin miyey kula garanayaan waxaad murti tirisay somalida qaari masha laah mar kale
2019, NOVEMBER, 11.
Walee Dumarka soomaaliyeed si aan caadi ahayn baa loo amaanay
Abwaan culus maxamed ibrahim warsame ( Hadraawi ) Aabo ilaahay haku caafiyo Amiin yaa rabi 🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲😭😭😭😭😭😭💞💞💞🌺🌺🌺⚘⚘🌺💞🥀❤❤❤❤❤❤❤❤🙏🙏🙏🙏🙏🙏🙏🙏
26/9/2019, 00:55am
Jaiid jidan yaa akhiy
Mashaa allah nolow libaax nin raga
Heesta waxa igu horeysey markaan dugsiga sare galey oon ku qaatey suuganta sanadkii 2014 ilaa hada kama daalo
abwaan hadraawi iyo khaliifka waan salaamaya
2019 yaa dawanaya
adeerkay Allah hay dayo Maxamed sicid warsame hadraawi
daadax eesh calaa hees waa hees mudan in fanaan loo dhiibo
""Alla yaa'Cisak""Seyid khaliif "Afkaaga Caano'lagu qabay""Laxanka'ayaanba la dhacay""Thanks Ustaad""
Walhi waan kujclahay adeero mcn heesahaga waxan ugu jclahay heesta calankaha m.a iyo mida maryama ruun ee isda qabax 🥰🥰🥰🥰💋🙈🫀🍓💋🙈nolow Noloshaydii khalifa cde 💋🙈
Heestaan qoral bn ku aqristy hadan fb kaso arky xasuustyda bay ku biirtay ilaa iyo shaly 21 november 2020🥰
Abwan hadrawi allow cafi hablaha somaliyad amaan buu umisaay
HEEEEEEEEEEEEEEEEEY, 2019,11, AFRICA, 22.
HEEEEEEEEEEEE, AXEEEEEEEY. 2019, 13, NOVEMBER. SOMALIYOOW.