ไม่สามารถเล่นวิดีโอนี้
ขออภัยในความไม่สะดวก

Maxamed Gacal Xaayow Ahun l Guuroow l Gabay l Cilmi Saynis

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 13 ม.ค. 2022
  • #caweyskadalmar #qarami #​ @Dalmar Media #dhaanto #srtv #rtd #
    For all inquiries email dalmar46@gmail.com
    💕 ✔ Subscribe ✔ Share ✔ Like ✔ Thanks 💕 Mahadsanid 💕
    ►MAKE SURE TO SUBSCRIBE FOR NEW VIDEOS
    ►SUBSCRIBE
    ►SHARE WITH FRIENDS
    ►LIKE
    ►COMMENT
    ►MAKE SURE TO SUBSCRIBE FOR NEW VIDEOS
    ✔Subscribers ✔Share ✔Comments ✔Like
    somali music

ความคิดเห็น • 5

  • @salmaankuluuofficial
    @salmaankuluuofficial 2 ปีที่แล้ว +6

    ALLE DARTIIS SABISKARAB IIGU SAARA WLL YAAL

  • @CabdullahixumidiidCabdul-pw2cw
    @CabdullahixumidiidCabdul-pw2cw 10 หลายเดือนก่อน

    عجيب waa gurow yaable

  • @salmaankuluuofficial
    @salmaankuluuofficial 2 ปีที่แล้ว +2

    ALLE DARTIIS SABISKARAB IIGU CAAWIYA WLL YAAL

  • @mohamedosman5422
    @mohamedosman5422 2 หลายเดือนก่อน

    AUN Maxamed Gacal Xaayow
    " TALOW HOOW HOOW HOOBAAL AHEELOW WAYAABAAL HEBELOW
    Hadii noloshu ay caadi tahay cawo iyo liibaan leh
    oon caato iyo wayd ka badan cudurta loo gaysan
    carabkuna macaansado wixii calafo loo siiyey
    oon cudur lafaha gaariyiyo caajis lala taahin
    casharkiyo duruusaha hadii camalfal loo yeesho
    Naftu waxay u caadayhado waa kaa cajibiyaana
    culumada ku xeeldheer hadaan cidi la xaajoonin
    cosobkay hawadu doynadaa cuudka ka udgoone
    cuncun kaaga jira oogadaa lala cataabaahe
    naflacaari noqoy ruux hurdada cawa aan ladin
    cariirigaa dadka isbada haday camal-wareeraanee
    CARIIGAA DADKA ISBADA HADAY CAMAL-WAEREERAANE
    Jirkii calassa baa lagaa helaa caafimaad wacanne
    ceeb kama dagaalamin qofkaan gogol carfayneene
    ruuxii calfaha jiidayee cagaha booraysta
    ee sidii caruurtii jilbaha caada kula jiida
    cayshkuu cunaayaa ka darran Caadilkay maganne
    Islaantii cajiinkii qastaye laba habayn cooshtay
    sidii ciir dhanaan iyo karuur weelkii ku cagaartay
    ee hadii car iyo suusac galay dib u canjeerayday
    ee waxaan ku cunin waad cuntaa cid ugu sheekayday
    ceeriyaamo qaraseed haday ku cagabaalaydo
    cimrigeeda kuma laysatee iga caluunqaatee
    CIMRIGEEDA KUMA LAYSATEE IGA CALUUNQAATA
    Waxaa ciilan ruuxaan aqoon culustan tiisiiye
    oon caqligu meel fog jirin cududna kaa waayne
    ee hadhowna kuu cabanayee caasi jaahillahe
    cilmiguyo takhaartiituna cidi u sheegaynin
    codka lagu dhawaaqiyo murtidu caadir galiyaane
    caloolba'ri weeyeeye iyo midday cuqubo haydaahe
    oo cambaarta oogada midab-cardhoofoobay
    assagaan bulshada caafimad ceel la shubanayne
    assagaan hadaan cay u faro ceeb ka dhiganayne
    inta caymatoon la hadlayee iga caluunqaatee
    INTA CAYMATOON LA HADLAYEE IGA CALUUNQAATA
    cidkastee cariish yeelatee guri calaamayda
    haday ku cimri-qaataan ra'yiga waan cabirayaahe
    casrigaa ka duwan caadadii jeer lasoo maraye
    codkaan kula talshaan kula hadlaa caadil baan ahaye
    way i caleemasaarteen sidii caaqil taliyaahe
    ama caarif gabay looga harray caawa dabadeede
    cirifkoo la xaaqiyo jafkoo cawska laga qaado
    camuudoo nadiif ahe indhaha caaro ka horaynin
    hadaan col iyo duulaan ku nahay cudurka la isdaarto
    canyaas iyo ninkii qabay canaan kulama hoosteene
    qof waliba cadkii u go'ay hadhow calaf ma quuteene
    casharkaa hanuuniya dadkee iga caluunqaatee
    CASHARKAA HANUUNIYA DADKEE IGA CALUUNQAATA
    cadaygay cusboonida ilkuhu calan ku yeeshaane
    hadii lagu canaantaa rumaga ciridku nuuraahe
    qofka cudurka laanjeexa qaba calool hore u jeeda
    cad baruur leh iyo caysh udgoon ugama caageene
    waxa ciirka beerka u dhiggay culumadu u sheegtay
    kuma camalfalyee yuu hadana sii calaacalinne
    cadceeday indhuhu diidayaan nuur casaanka leh
    waxaa caafimaad ugu jiraa waa caleen qoyanne
    cilmi saynis weeyee dadow iga caluunqaatee
    CILMI SAYNIS WEEYEE DADOW IGA CALUUNQAATA
    nafta cammal iyo shaydaan hadii lagu cibaareeyo
    casbadaladay sidiisii haduu caad bukaa u hooro
    haday caaro waabari indhaha uga candhuufooto
    amay cawrofiid iyo dagaal cirib u goodlaydo
    caway hoyataye hadii tii kale caajis lagu beero
    calwasaadka goortay hurdada ciil la bogganwaydo
    cajir nabar leh boogtii kolkii nabarku maalaysto
    ee calaacal lugu tuujiyee looga tirro cawska
    sow cadadda jeermigii batay sii cartamimaayo
    cawaankiina weeye ra'yiga waan cabirayaahee
    CAWAANKIINA WEEYE RA'YIGA WAAN CABIRAYAAHE
    calankiisa ridda cudurka waa lala tacaalaahe
    hadii Cali iyo Caasho u dhinteen caabud laga waaye
    cartirkeedu waa caws angagan dhiishaad culataahe
    caatiyo baruur uumiyuhu caynbacayn noqoye
    cudurkiyo fayoobiduna waa calaf Ilaahaye
    anna taan codsaday waa midaan ciddi ka maarmaynoo
    caaqiibo taliyaan ahay iyo caarif gabayeede
    hadba nolasha tii noo cusubbi way i cajebidaahe
    cidiyaha hadaan laysla gallin cudurmaqaarayda
    oon midabcilaanlay jirkii ciddi dabiibaynin
    islaamkaan Allaha caafiyee caawa maqashiiyey
    sow inay calooshiyo niyadda ku celceshaan maahee "
    Qorre : M.O ( Dhalac)