Ma doonaysaa sababta dhalinyaro badan nolosha uga dhacaan, marka ay qaangaaraa? Daawo sababta.
ฝัง
- เผยแพร่เมื่อ 11 ม.ค. 2025
- Tijaabadii Nacnac sonkorka:
Waa baaris-cilmiyeed aad cajiib u ah oo lagu sameeyey 1972dii caruur da'doodu ay u dhaxayso 4 sano ilaa 6 sano jir, ama da'da iskuulka ka horaysa.
Baaritaankan ilmaha lagu sameeyey ayaa ah mid dunida qabsaday sanadiihii todobaatameeyadii, waana baaritaan waxyaalaha ka soo baxay ee lagu ogaaday ilaa iyo maanta loo isticmaalo barbaarinta caruurta. Wuxuu lee yahay wax tar aad u balaaran.
Baaritaanka kama hordhacayo, oo waad daawan kartaa muuqaalka. Hase ahaatee waxaan doonayaa inaan xoogga saaro muhiimadda ay lee dahay barbaarinta ilmaha iyo in ilmaha caqliga laga koriyo inta uu yar yahay ee uusan iskoolka bilaabin.
Arinta baaritaanka lagu ogaaday ayaa ah waxa loo yaqaan "saburka" ama koroshada ilmaha, oo la cadeeyey haddii ilmuhu barto saburka inta uu yar yahay, marka uu dhasho ilaa inta uu ka gaarayo 6 sano, inay arintaasi noqonaysa mid anfacda inta noloshiisa ka hartay. Waxaa kale oo la xaqiijiyey ilmaha waalidkiis aysan kobcin sifadaan oo barin saburka inuu noqdo marka uu weynaado mid nolosha dhan ka dhaca.