Tafsiirka Darsiga 284aad DALAAQ 08 ilaa...

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 3 ก.พ. 2025

ความคิดเห็น • 32

  • @macalincabdifataxonlinequr9753
    @macalincabdifataxonlinequr9753 3 ปีที่แล้ว

    Maansh allaah shekhunaa sh dirir jasakalaahu khyr alle hakubarakeeyo aakharo iyo aduunkaba insh allaah

  • @DrsfardowsoAli
    @DrsfardowsoAli ปีที่แล้ว

    سبحان الله وبحمده سبحان الله العظيم ❤

  • @maxamedismaaciil3627
    @maxamedismaaciil3627 6 หลายเดือนก่อน

    Alle haka abaal mariyo ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉

  • @ahmedhasan689
    @ahmedhasan689 3 ปีที่แล้ว +1

    Masha Allah jazakallah khair sheekh

    • @AbdallaRoyal
      @AbdallaRoyal 3 ปีที่แล้ว +1

      Wll keyow isaar SUBESCRIBE ❤❤

  • @anisocshakur
    @anisocshakur ปีที่แล้ว

    jasakumulaah shikh dirir

  • @bashirabdullahi4374
    @bashirabdullahi4374 3 ปีที่แล้ว

    Jazakalahu kheyran Sheikh Maxamed Cumar Dirir.

  • @Ss53426
    @Ss53426 2 ปีที่แล้ว +7

    Tafsiirka suuratu التحريم halkan ayuu ka bilaabmayaaa 0:20:35

  • @Ss53426
    @Ss53426 2 ปีที่แล้ว +5

    Waxyaabaha Guud ay ka hadlayso suuratu التحريم iyo faaiidooyinka laga Qaadanayo suurada:
    💥Waxyaabha Guud ee Suuratu التحريم ka hadlayso:
    🍃Suuradan bilowgeeda ilaa dhamaadkeeda waxay utaagantahay inay toosiso qoyska muslimkaa , Qoysaskaas oo ay hormuud ka yihiin anbiyada illahay qaybta hore nebi muxamad iyo xasaskiisu kala hadlayaa , qaybta danbena nebi nuux iyo luud iyo labadoodi xas ayuu kaga hadlaya , wuuxu kaloo ku Amaanaya inta uugu danabysa maryama bintu cimraan nebi ciise hooyadii.
    🍃Hooyooyin wanaagsan oo quraanka dhexdiisa ku sugan wixii qaladee kayimina uu illahay ka saxayo oo uu toosinayo , iyo Dumar gaalaa oo iyana taariikhda wax xun ku galay waana xaaska nebi luud iyo nuux.
    🍃Dadku illahay way usimanyihiin waa sida loogu kala dheereeyo illahay ee maaha lab iyo dhedignimo.
    🍃Qaybta dhexe ee suuradu waxay ka waramaysaa ehelka iyo ubadka in loo taagnaado badbaadadooda sidoo kale nafteenaba.
    💥Sababta ay suuradu kusoo Degtay:
    🍃Sababta 1aad ee ay kusoo degtay:
    Nebigu wuu ucadaalad samayn jiray xaasaskiisa , Nebigu wuuxu malab kasoo cabi jiray xaaskiisa zaynab bintu jaxshin waxaa ogaaday caaiisha iyo xafsa markaasay yidhaahdeen markuu kuu yimaado waxaad tidhaahdaa ma maqaafiirbaad cuntay waana geer ur leh ,midwalba marku uyimaaday ku balameen inay sidaa ku yidhaahdaan markuu xafsa uyimi ayay arinkii usheegtay kadib ayuu ku yidhi wax maqaafiiraa oo aan cunay ma jirto nebiguna qadhmuunkuu necbaa, markaasbuu nebigu ka dhaartay inaanu dib ucuni doonin malabkaa, kadib ku yidhi halkaas warkaasi ha inoogu eekaado , markaasay caaisha uugu bishaaraysay, markaas ayaa illahay nebiga uwaxyooday warkii ay isu sheegeen , nebigu wuxuu la hadlay xafs oo yidhi maxaad usii baahisay iyana waxay mooday inay caaishi warkeedi sheegtay markaasay ku tidhi yaa kuu sheegay inaan sii sheegay markaasu yidhi illahay ayaa iisheegay.
    🍃Sababta 2aad ee layidhi way kusoo degtay waa:
    Adoontii nebiga ee ladhihi jiray : maariya alqibdiya ayuu nebigu guriga xafsa maalin kula kulmay, xafsina way ka cadhootay markuu arkay inay aad u cadhaysantahay ayuu nebigu ka dhaartay maariya kadibna wuuxu usheegay inaanu dib uugu noqonayn iyana warkiibay caaiisha uugu bishaaraysay markaasu illahay nebiga usheegay inuu warkii sii baxay.
    ‼️Nebiga waxa lagu canaantay labada sababood kay tahayba inuu nebigu iska xaaraantimeeyo wuuxu illahay u xalaleeyay asagoo dumarka raali gelinaya.
    💥Faaiidooyinka suurada laga qaadanay:
    1. Waxa laga qaadanayaa aayada 1aad oo laga fahmayaa haduu ninku xaaskiisa ku yidhaaahdo hadaanad waxaa sameyn dalqadbaad iga furantahay dalaaqaasi wuu dhacayaa.
    ‼️Qodobka 3aad ayaan mu fahafahiyay.
    2.Aayada 1aad dhamaad keeda illahay wuxuu yidhi: والله غفور رحيم taasina waxay ina tusaysaa in Arinku fududyahay illahayna uu nebiga kadhaafay wixii ka dhacay.
    3.Qofka haduu dhaarto kafaaro gudbuu bixinyaaa waxaana lagu sheegay suurada almaaida.
    4.Culimadu waxay dheheen halkaa waxa laga fahmayaa oo ah aayada 2aad in hadii uu ninku xaaskiisa ku yidhaahdo hadaanad waxa samayn dalqad baan ku furay waxay dheheen dalaaqaas wuu dhacayaa waa sida cimada shaaficiyadu qabaan, culimo kalena waxay yidhaahdeen anakoo aayada eegayna xaaraantimayn ayaa soo xusnayd illahayna dhaar ayuu sheegay waxay noqonayasa ninku haduu xaaskiisa iska xaraantimeeyo dhaarbay noqonaysaa kafaaro gudbayna ubaahantahay.
    5.Aayada 3aad waxay ku tusaysaa inaanu nebiga wixii looso dhiibay oo waxyi ah inaanu qarin.
    6. Adoo qof Raali gelinaya illahay lama caasiyo.
    7.Nebigu illahay agtiisa derejo weyn ayuu ku leeyahay illahay ummada wuxuu baray sida nebiga looga edebsanayo wuuna difaacay.
    8.Waxyaabaha nebiga lagala hadlo hadaanu daliil inuu ugaaryahay sheegin ummadana waa lagula hadlayaa.
    9.waxyaabaha qoyska ay ku noolyihiin waxaa ka midaa: kalsoonida labada qof ka dhexaysa/ in layska dhaafo denbiyada yaryar ee qofka kale sameeyo.
    10. Illahay wuxuu inagu bararujinayaa waxkastoo uu qofku qarsado inaanay qarsoomayn illahaybaana ina maqlaya.
    11. Qofka aad nolol lawadagayso diin ku dooro.
    🌼Nin dadkeeni wanagsana kamidaa ayaa yidhi: inanatayda nin diin leh ayaan uguurinayaa haduu la joogana wuu wanaajinaya haduu ka tagana dulmiyi maayo .
    12. Aduunka waxa loogu baahi badanyahay waa badbaado waxana lagu helaya inaad sababaha lagu gaadhayo la timaado.
    13. Naarta dadka iyo dhagxaan ayaa lagu shidayaa malaaiikta shidaysaana waa kuwa dabeecad adag,waana kuwo xoog badan wixii Alle farayna waa fulinayaan intaasoo dhami waxay tusaysaa in arinku aanu mid fudud ahayn.
    14. Illahay intaan dunida joogno albaabka toobaduu inoo furay .
    ‼️Culimadu waxay isku waafaqsanyihiin qofku haduu denbi ku dhaco inay waajib ku tahay inuu toobad keeno.
    15. Tawbada ummadihii hore waxay ahayd inuu qofku ka kuxiga dilo , anakana waa laynaga fudaydiyay barakada rasuulka darteeda.
    16. Qofka guuldarada Aakhiro ka badbaadaa waa inuu qofku iimaan leeyahay.
    17. Iftiinka Aduunka laga siiqaataa waa iimaanka iyo camalka saalixaa Aakhirana la iftiinsanayan oo mugdiyada lagaga badbaadayaa.
    18.Aayda 6aad waxaan ka qadanaynaaa sida ehelka looga badbaadinayo Naar waa inaad wixii lagu faray Raacdo wixii laguu diidayna ka tagto.
    19. Qofka muminkaayi waaka talada iyo wanaaga ehelkiisa ka bilaaba quraanka / caqiiqada saxda / waxyaabahay cibaadadu kaga anxasayso / xaqa illahay xaqa rasuulka iyo xaqa ummada kuleedahay ayaa labarayaa waana lagu rabaynayaa asagoo yar ilmaha.
    20. Qofku haduu illahay yaqaan noqdo aduunyadiisana wuu wadayaa lkn haduu aduunyo yaqaan noqdo ummada ayuu dubanayaa.
    21.xaqiraada ugu liiidataa waa inuu insaankii dhagax la mid noqdo oo uu aakhiro meel lagalo.
    22. Siduu qofku udhaqmo ayuu illahay aakhiro kula dhaqmayaa.
    23.Tawbadu waxay tawbad wanaagsan ku noqon kartaa marka 5 shuruudood laga helo:
    🍃Inuu qofku denbiga gacanta ka qaado.
    🍃Inuu denbiga ka murugoodaa.
    🍃Waa inuu go,aansadaa inaanu dib uugu noqon.
    🍃Tawbadu wa inay waqtigeeda joogtaa .
    ‼️ Haday naftu kalxamaha soogaadho ama qiyaamihii xiligiisa lagaadho tawbad lama aqbalo.
    🍃Hadad denbiga bani Aadam ka gasho dadka xaqooda uceli.
    24. Intaan gudaha hagaajino hadaan debada hagaajin weyno oo gaalo layska dhicin waayo gurigaaga laguugu imaanaya .
    25. Kelmada واغلط عليهم waa inuu jihaadka ku adkeeyo oo dhab hakaa ahaado.
    26.Labo wax haday qofka ka xumaadan waa halaag haday uhaagaana waa guul waa :
    🍃Caqiidada.
    🍃cibaadada.
    27. Khiyaamada ay labada xaas samaynayeen ee labadan nebi kala qabeen Nuux iyo Luud waxay culimadu isku waafaqsanyihiin inaanay ahayn khiyaanadu zino lkn waa khiyaano munaafaqnimaa oo mucaamalo xunbay kula dhaqmi jireen nebiyada illahay.
    ‼️xaaska Nebi Luud waxay basaasad u ahayd qoomkeeda xumaanta samayn jiray oo martida nebigay usoo sheegi jirtay.
    ‼️xaaska Nebi Nuuxna nebiga illahay waxay kula socotay munaafaqnimo .
    ‼️Labaduba illahay way ka gaaloobeen.
    28. Qofka qof xun la nool haduu wanaagsanyahay qofkaasi isaga loo qaban maayo qofkaa xun wuxuu wado.
    29. Nebigu wuxuu sheegay Dumarka ahlu janaha ah waxa u fadli badan : khadiija xaaskii nebigeena / faadumo inantii nebigeena / Aasiya xaaskii fircoon / Maryam nebi ciise hooyadii.
    🌸Waxa kale oo uu nebigu sheegay inay kaamil noqdeen dumarka 3dan: khadiija xaaskii nebigeena / Aasiya xaaskii fircoon / Maryam nebi ciise hooyadii.
    30. Ruuxda uu illahay ku sheegay aayada uugu danbaysa suuraad روحنا maaha ruux illahay kamidaa sida gaaladu sheegaan ee waa Ruux uu illahay abuuray waana nebi ciise.
    ‼️malagan loo diray inuu maryam nebi ciise ku Abuuro waa malaga loo diro hooyada iyo aabaha markay isku tagaan inuu ilmo ku dhex abuuro .
    31. Waxay rumaysay بكلمات ربها waxa weeye kelmadahaasi balamaha uu illahay uqadayay maryam ee uu malaiikta usoo farayay iyo nebiyada.
    32. Wado kasta waa loo marayaa ladagaalanka gaalada waxaana kamidaa:
    🍃in siwacan loo waaniyo.
    🍃in xujada lagu oogo.
    🍃in lala dagaalamo ka waxba
    qaadan waaya.
    33. Gaalada iyo munaafiqiinta khatarta ay mujtamaca ku leeyihiin makala sukayso mararka qaarbuu munaafaqu ka daranyahay.
    34. Jihaadku wadooyin badanbuu leeyahay oo sayfta oo qudha kuma koobna .
    35.Qofna qof kale wanaagiisa inuu talo saarto maaha haku talo gelin qof wanaagsan oo ehelkaaga ah inaad wanaagiisa ku meel marayso waxaad ku meel maraysaa camalkaaga.
    36. Abtirisniimada dhabtaa ee la eegaya waata caqiidada maaha ta qoloda tan hadii aanay caqiido lasocon qomomay ku danbaysaa .
    37. Illahay wuxuu ina barayaa cadaalada, qof gef uugalo inaan cid kale loo qaban.
    38.Qofka muminkaa iimaankiisu dhabta yahay waaka waxyaabaha nafta jiita meel iska dhiga ee raaligelinta illahay kaw utahay marakasaa loo bixinaya الصّدّيق .
    39. Naftii huranimadu Raga uun gaar kuma aha ee Rag iyo dumarba way wadaagayaan sida uu illaahy ku amaanay Aasiya iyo maryama.
    40.Quraanku wuxuu ina barayaa taariikhda dumarka ee wanaagsan in la qoro .
    41. Qofku intuu Aduunka joogu waa wuxuu la shiryimaado war wanagsan hakaa hadho.

  • @calisacad9254
    @calisacad9254 3 ปีที่แล้ว +1

    Barakalah sheekh maxamed sh/ cumar dirir

  • @Ss53426
    @Ss53426 2 ปีที่แล้ว +6

    Waxyaabaha Guud ay ka hadlayso suuratu الطلاق iyo faaiidooyinka laga Qaadanayo suurada:
    💥Waxyabaha Guud ee suuratu الطلاق ka hadlayso:
    🍃waxa layidhahadaa magaceeda kale سورة النساء الصغرى suuradii dumarka kawaramaysay ee yarayd.
    1.waxay ka hadlaysa inta hore ee suuradu xidhiidhka qoyska haday kala tagaan iyo haday wada joogaanaba iyo Aadaabta wanaagsan ee sharcigu udhigay haday kala tagayaan iyo in la ilaaliyo xurmada iyo xaqa ay isku leeyihiin.
    2.waxay ka hadlayasaa:
    Furniinka / soo ceshiga/ masruufka / cido tirsashada /meesha ladejinayo ta uurka leh iyo ta jaqsiinaysa ilmaha.
    3.Qaybta danbe ee suuradu waxay ka waramaysaa: Xaqa uu rasuulku leeyahay/ Quraanka / faaiidooyinka uu waxyigu inoo leeyahay / ummadihii hore inaan ku cibro qaadano waana kuwii diiday Rusushoodi iyo shaarcigooda.
    4.Suurada illahay wuxuu kusoo khatimayaa Awoodihiisa illaha sharcigan inoo dejiyay waaka xaqa ku leh inuu inoo dejiyo meeshiisana dhiga waana ka iska leh caalamka oodhan.
    🍃Aayadaha suurada uhoreeya waxay kusoo degeen c.laahi binu cumar oo xaskiisi furay ayadoo caado leh nebiga markii loo sheegayna wuu cadhooday wuxuuna yidhi Amar sii hasoo ceshado daahir ha noqoto hadana caado ha hesho marka la ogaado in makaankeeda saafi yahay kadib haduu doonayo markaa ha furo ama ha haysto.
    ‼️waxa laga fahmayaa in dalaaqaasi dhacayo lkn gabadhoo caado leh marka lafuro waa bidco lkn dalaaqa wuu dhacayaa.
    💥Faaiidooyinka suurada laga qaadanayo:
    1.Hadii nebiga lagula hadlo Aayad waxay ina tusaysaa in anakana laynagula hadlayo hadaanu jirin daliil nebiga ku gaar yeelaya.
    2.Cidada marka la tirinayo rag iyo dumarba waa lawada tirinayaa oo xilbaa ka saaran .
    3.Cabsida illaahay mar waliba way jirtaaa.
    4.Gabadha marka lafuro guriga ka biximayso ilaa ay ku cido dhamaysanayso labo maruunbay ka bixi kartaa:
    🍃markay zino la timaado.
    🍃inay jaarkii dhibto.
    Labadaa mar guriga waa laga saarayaa.
    5.Gabadha dalqadaha loo dhameeyay ama ta laga dhintay kuwaasi guri malaha wa alaysku khilaafsanyahay lkn saasa xoog badan.
    6.Gabadha marka lafuray waxa loo diidayaa in guriga laga saaro waxa laga yaaba inay dib isu jeclaadaan.
    7.Gabadha lafurey lkn aan dalqadihii loo dhameyn haduu sii furo dalqadaa danbe way ku dhaceysaa. Sidaas culimaa tidhi.
    8.Dumarku magalaan markhaatiga Guurka furniinka..Rag uunbaa Arinkaa gala.
    9.Qofka caadilka ahi waa:
    🍃 ka aan Beenta sheegin.
    🍃Dunuubta waaweyna ku dhicin.
    🍃kuwa yaryarna aan joogteyn.
    10. In markhaati loo sameeyo furniinka iyo soo ceshiga waa sune ayey yidhaahdeen culimo ka midaa mad habka shaaficigaa.
    11.soo ceshiga gabadhu :
    🍃ficilbuu noqon karaa.
    🍃Qawlna wuu noqon karaa.
    12.kelmada رجعت waxay la micno tahay waan noqdey taasina maaha kelmada saxda ah ee loo adeegsado soo ceshiga tan ayaa saxaa راجعت .
    ‼️Afsoomaali waad ku odhan kartaa hadaanad kelmada carabigaa ayadoo saxaa aanad garaneyn.
    13.Suuradu waxay ilaalisay Xuquuqda dumarka .
    14.Aayaduhu waxay inoo sheegayaan inaan furniinka lagu degdegin.
    15.Aayaduhu waxay inoo sheegayaan haduu ninku xaaskiisa dulmiyo oo dulmi ku furo inuu isaga dulmigu kusoo noqonayo .
    16.illaahey wuxuu jecelyahay haysashada iyo dhismaha Qoyska .
    17.Guurku waa heshiis aad u adag oo labada qof ka dhaxeeya ka horna heshiiskaa adiga iyo illahay ayuu idinka dhaxeeyaa,haduu illahay shay kugu waanayo shaygaa hadaad fuliso illaahay ayaad Raali gelisay.
    18.waxaan aaminsanahay balanqaadka illaahay inuu hir gelayo oo hadii uu isku nabo cirka iyo dhulka dadka illaahay ka cabsada meelo ay ka dusaan ayuu usameyn lahaa balantaa uu illahay qaadey waa run) C.laahi binu alcabaas.
    وَمَن يَتَّقِ اللَّهَ يَجعَل لَهُ مَخرَجًا﴾ [الطلاق: ٢] balantu waa intan .
    19. Gabadha aan weli qaangaadhin iyo Dumarka da'da weyn cidadoodu waa 3 bilood.
    🍃Dumarka uurka leh cidadoodu waa inay umulaan.
    ‼️Waxa isku midaa ta uurkeedu zino yahay iyo ta xalal lagu qabay waa isku mid . Khilaafbaa se ku jira mas alada.
    20.Qofka waalan iyo ka aan Qaan gaadhin waxa loo gu guuriyaa :
    🍃Maslaxad .
    🍃 Baahi.
    21. Sharcigu waajib ayuu ninka kaga dhigay ilmihiisa biilkiisa xaaska hakala tagaan ama ha isla jogaan .
    22. Xaaska haduu furo oo ay uur leedahay wuu biilinaya, haday umusho oo ay ilmaha jaqsiinayso mushqaayad ayaa lagu siinayaa ilmaha ay jaqsiinayso .
    23. Safxada danbe waxayaabahay sheegyaso waxa kamidaa:
    🍃in lagu cibro qaato ayaamihii cadawga soomaray.
    🍃in lagu cibro qaato Aayadaha uu illahay soo dejiyay in cibrada iyo waanada laga qaato.
    🍃in cibro laga qaato aayadaha kawnka illahay abuuray .
    24. Kelmada وَكَأَيِّن waxa loo isticmaalaa waxa badan.
    25.Nebigu wuxuu dhahay waxay la tusaale yihiin qofka aniga i ajiibay iyo ka idiiday sida: qof reerkiisa meel barwaaqaa dejiyay iyo mid meel abaaraa dejiyay.
    26. Dadka caqliga leh waa kuwa illahay rumeeya , caqliga waxaa caawinaya quraanka.
    27. Iimanakaaga waxa ka marqaati ka caya camalka wanaagsan inaad samayso.
    28. Illahay wuxuu eedeeyay ummad illahay iyo diintiisi diiday taa macnaheedu waa sharciga uummad oo dhanbaa ka masuulaaa shakhsiyaad gaara kama masuulaa sida nebiyada iyo culimada.
    29.Dheeldheel illahay uumu soo dejin sharcigiisa ee maslaxadeena iyo liibaanteena inaan ku xaqiijinuu usoo dejiyay .
    30. Qofka qodax beerta midho ma goosto waxa lamidaa qofka gaalnimo beertaa cadaab ayuu helaa.
    31. Caqliga shareecadu may duudsiyin lkn way jihaysay, caqliga caafimaadka qabaa waaka ku bararugaya in illahay siduu ummadihii hore u halaagay kuwana uhalaagi karo mar haday isku daydaan.
    32. Quraanka illahay ذكر ayuu ku magacaabay waana: dadku si ay takliifta saaran uugu baraarugaan ayuu quraanku bararujiyay.
    33. Hadii illahay khalqiga wax walba u cadeeyay cudurdaar majiro .
    34. Camalka wanaagsan waxba ha yaraysan laga yaaba hal camal oo aad samaysay inuu noqdo kaad ku janno galaysay.

  • @axmadcabdi419
    @axmadcabdi419 3 ปีที่แล้ว +2

    She maxamadaw ilahay dartii ayaankujecela cimiga iyo caqliga balaqada ale hakubarakeyo

  • @barwaqoqali2895
    @barwaqoqali2895 3 ปีที่แล้ว +1

    Masha allah alle haa ku xafiido

    • @AbdallaRoyal
      @AbdallaRoyal 3 ปีที่แล้ว +1

      Wll sheyey Subescribe isaar ❤❤

  • @xasanmahamud8697
    @xasanmahamud8697 ปีที่แล้ว

    Masha alh

  • @aanoleosman
    @aanoleosman 5 หลายเดือนก่อน

    ❤❤❤

  • @barwaqomohamed7919
    @barwaqomohamed7919 4 หลายเดือนก่อน +1

    Waxn Dhagaysanayaaa 9/16/2024 Qofkiii ika Danbeeeyooow iisoo duceee in Ilaahay Ii Fududeeeyo waxn Rabaaa inan Barto Tasfiirka Quranka Kariimka

  • @ayubmohamedhassan
    @ayubmohamedhassan 2 ปีที่แล้ว

    MashaAllah

  • @hodanjama493
    @hodanjama493 3 ปีที่แล้ว +1

    Masha Allah

    • @AbdallaRoyal
      @AbdallaRoyal 3 ปีที่แล้ว +1

      Wll sheyey isaar SUBESCRIBE ❤❤

  • @fardowsaabdulahihassan5635
    @fardowsaabdulahihassan5635 3 ปีที่แล้ว

    Cimrigaaga Alle hakuu barakeeyo cibaadna hakuugu darro

  • @roxmaahmed3538
    @roxmaahmed3538 3 ปีที่แล้ว

    Baarakalaahu sheekh Maxamed

  • @zahraqueen1243
    @zahraqueen1243 3 ปีที่แล้ว

    Mnshllh jazakllahu kheyrn

  • @abdukadirhashi3748
    @abdukadirhashi3748 3 ปีที่แล้ว

    Mashaa alaah

  • @faaeem4805
    @faaeem4805 3 ปีที่แล้ว

    Jizaakallaahu khayran Sheekh Maxamed

  • @faadumaibrahim3335
    @faadumaibrahim3335 3 ปีที่แล้ว

    Acs