Shay Mire Dacar heesta yaa Meherka Kugu Xidha | Marwadiisa noqotaa | shay mire | magacaaga inan kale

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 7 ก.พ. 2025
  • Heesta : Yaa Meherka Kugu Xidha
    Codka Iyo Kabanka: Shay Mire Dacar
    LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
    QORAALKA HEESTA (LYRICS)
    ✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍
    Marwadii Haweenkee
    Dadka Maakhir Toosiyo
    Maydhi Lagu Xamdiyayaay
    Muuqaalka Aragana
    Tii Ugu Mudnaydee
    Qurux Lagu Mariimaay
    Magacaaga Inan Kale
    Marka Loogu Yeedhee
    Maqlaan Soo Hinqanayaa
    Yaa Meherka Kugu Xidhaa
    Daalliyo Mulkeediyoo
    Xareed Kugu Macsuumoo
    Marwadiisa Noqotaa !!
    ______________________
    Muul Iyo Marjaaneey
    Malab Iyo Xariireey
    Malab Iyo Xariireey
    Muxibada Kalgacalkaa
    Igu Soo Mirkacaysoo
    La Muruudanaayaa
    Yaa Kula Mushaaxoo
    Daalliyo Mulkeediyoo
    Xareed Kugu Macsuumoo
    Marwadiisa Noqotaa !!
    Yaa Kula Mushaaxoo
    Muul Iyo Dhadaadiyoo
    Mashcaleed Ku Geeyoo
    Marwadiisa Noqotaa !!
    #dhugmaal_lyrics #shay_mire

ความคิดเห็น •

  • @djkaafi5616
    @djkaafi5616 2 ปีที่แล้ว +85

    Heestan waxaa aad udhagaysanjiray abtigay oo lagu magacaabi jiray axmed iyadoo cajalad ah anu wn yaraa barigaas axmed inan ayuu si xad dhaafa ah ujeclaa isagoo inantii uu jeclaa aanu wali guursan ayaa askar khasap ah la qoray barigaas waxaa aad loo gurijiray askar khasap ah oo itoobiya lagu tabobari jiray meesha lagu magacaabo maadhimo abtigay markuu soodhamaystay taba barkii ayuu soo laabtay isagoo aan wax fasax ah lasoosiinin wayo gabadh uu aad u jeclaa ayaa marnaba ka bixin qalbigiisa nasip daro habeenkii ugu horaysay uu yimidayba wuxuu ku war helay inantii uu jacaylka walida ah uqaaday ayaa caruusad ahayd meeshuna waa dawladeeganka somalida wn xasuustaa barigaas anigu wn yaraa wax walbase wn garanayay run ahaantii abtiyaashay shaqsiga aan ugu jecelhay ayuu ahaa waxba yanan hadal idinku dalinine markuu maqlay jacaylkiisii inay aroosad tahay run ahaantii wakhtigii uguxumaa ee soomara ayay ahayd abtigay maalmo ka baxdi abtigay wuu waashay wuxuuna mar walba aad ujoogtayn jiray taba barkii la soo siiyay wuxuu mudo sidas ahaadaba oo uu mudo 9 sano ah uu sidii ahaadaba wuuku geeriyooday abtigay siduu silsilan ugu xidhnaa ilahay ha unaxariistee abtigay wuxuu ahaa geesi aan cidna ku xadgudbin aadna u afgaaban wanaagna aleh uu kumanaystay wan xasuustaa mar walba oo aan utago abti abti iwrn ayuu igu odhan jiray isagoo walan oo anay cidi udhawaankarin ayn hoosta kagali jiray sababta uu sida xaddhaafka ah iigu jeclaa waxay ahayd hooyaday ayaa kaligeed ka dhex dhalatay abti yaashay si xad dhaafana wuu ujeclaa hooyaday sababtoo ah iyada ayaa kayara waynayd dhabarkana ku qaadi jirtay iyadoo aad uyar run ahaantii hooyadayna aadbay ujeclayd abtigay taasina waxay sababtay malintuu geeriyooday in ay hooyaday qalbiga iska wada raaciso ilaa alaana hooyaday qalbi samirsan maleh wayo malintaas qalbigeeda ayaa daatay iyadoo oo uu isbadal wayn uu ku yimiday nolosheeda markaa heestan aad ayay qalbiga ii taabatay run ahaantii xasuus dheer ayan galay jacaylku muxuu dhibaatooyin keenay oo uu godop galay inantii hada waxay dhashay 4 afar ciyaal ah abtigayna godbuu ku jiraa isagoo waliba sababsaday jacaylkeeda

    • @dhugmaallyrics
      @dhugmaallyrics  2 ปีที่แล้ว +2

      @Dj kaafi sxb runtii Waa Dhacdo Xanuun Badan Abti Allaha U Naxariisto

    • @djkaafi5616
      @djkaafi5616 2 ปีที่แล้ว +3

      @@dhugmaallyrics aamin wll aduunyadan qofka qiimaha leh kuma waaro wll wlhi

    • @kingmoha9965
      @kingmoha9965 2 ปีที่แล้ว +4

      Alaah yaa raxma abti waxuu ka mid yahay dad badan oo jcyl uu galaaftay balse aan dadka ka dahsoon mxuu halyay iilka dhigay 😭😭😭😭😭

    • @sayidmohed
      @sayidmohed 2 ปีที่แล้ว +4

      Alle ha u naxariisto abti, sheekadan oo kale bulshooyinka dunidu buug ama film ayey ka sameyn lahaayeen ha se ahaatee annagu wali halkaa maannu gaarin. @Djkaafi Mahadsanid

    • @djkaafi5616
      @djkaafi5616 2 ปีที่แล้ว

      @@sayidmohed runtaa weeye wll

  • @axmedcabdi60
    @axmedcabdi60 2 ปีที่แล้ว +3

    Waaaaaw waaa hees aan mudo an raadinaaayey

  • @hindamoha9289
    @hindamoha9289 2 ปีที่แล้ว +5

    Mahadsanid wll 🙏
    Heestan mudo ayaan raadinayay
    Balse maanta ayay iga soo horbaxday

    • @axmedcali224
      @axmedcali224 2 ปีที่แล้ว +1

      Inapti isku dookh baynu nahy ee iiso qabo

  • @sayidmohed
    @sayidmohed 2 ปีที่แล้ว +4

    Muul ma aha ee waa Luul.... 👍

  • @bareemaxamed2984
    @bareemaxamed2984 2 ปีที่แล้ว +1

    walahi heestan galin ayaan raadinayay thanks

  • @HalisTa..22
    @HalisTa..22 8 หลายเดือนก่อน

    Magacaaga inanta leh weye wll inan kale ma,aha Thanks for your effort👏

  • @mustafesiciid4649
    @mustafesiciid4649 2 ปีที่แล้ว +16

    Eesh calaa mudo 14sao ah kadib waxan helayaa Heeskii aan dunida ugu jeclaa wakhtihii bilawhii dhalinyarnimadayda waxan aad ugu faraxsanahay inaan iyadoo cajalad ah soo dhagaystay waliba aan gabadh u Hadiyadeeyay baydkan waxankale oo aana ilaawikarin oo xasuus igu leh sida ay uga heli jirtay gabadhii aan wakhtigaa siiyay lkn hada marwo ah aniguna aan booskii taaganahy ku mahadsanid sxb inaan chenelkaaga ka dhagaystay Heeskan oo aan mudo xafudsanaaa siday u dhantahy lkn aan waayay iyadoo dhagaysi ah

  • @abdirahmanadam8869
    @abdirahmanadam8869 2 ปีที่แล้ว +3

    Runtii waxay heestani dib iigu celisay 2006 dii iyo xasuuso badan oo uu sanadkaasi lahaa

  • @djkaafi5616
    @djkaafi5616 2 ปีที่แล้ว +5

    Waaw yaa sawd heestan imisaan raadinayay iyadoo cajalad ah ayaa igu danbaysay

  • @ahmedkaaficare4859
    @ahmedkaaficare4859 2 ปีที่แล้ว +4

    Heestani waxa iigu danbaysay xilli fog. Waa heesaha dookhayga ah, waxan aad u garanayaa goobaha ku xusan heesta sida Maydh, Hareed,Daallo, iyo Mashcaleed oo dhaamantood Gobolka Sanaag ah.

    • @shuriashuria5800
      @shuriashuria5800 ปีที่แล้ว +1

      Mashacaleed waa garan waayey reer ceerina waa ahy

    • @AliMaskiin
      @AliMaskiin 7 หลายเดือนก่อน

      ​@@shuriashuria5800badhan duusheed weyaan

  • @ProteinAbdi-qj4of
    @ProteinAbdi-qj4of 5 หลายเดือนก่อน +1

    Muul ma ahan ee waa luul iyo marjaaneey

  • @CaatoCismaan-px6ns
    @CaatoCismaan-px6ns 6 หลายเดือนก่อน

    heestan waa heees igu xusuus gaara ii leh shay mire cadar alle hawnaxariisto ammin waxan ku dhagaysanayaa bosaaso july 30//7//2024

  • @cabdiwalibeeroof2483
    @cabdiwalibeeroof2483 2 ปีที่แล้ว +3

    Nice sxp heesta falagga soo gali

  • @SahalMohamud-wp7lq
    @SahalMohamud-wp7lq ปีที่แล้ว +4

    Waan xasuusta marar badan waakuraali galin jaray anoon ogeen khalad aa kaa galay keliya waxa rabay inanan kuwayin adiga lkn 3/5/ 2021/tm 0:44
    Murug meel ay ka timid la
    aqoon dib iigu bilaabatay 😓💔
    😨💔😢😢😢

  • @mahadcaabi8566
    @mahadcaabi8566 3 หลายเดือนก่อน

    اللهم صل على محمد وآل. ❤

  • @ibrahimnoor539
    @ibrahimnoor539 ปีที่แล้ว +1

    Hadee wa hees nuxuur leh

  • @Aliahmedaar
    @Aliahmedaar 7 หลายเดือนก่อน +1

    Heestan waxa iska leh mira heeda mahamed abdi aar ilhy how naxaristee

  • @IbraahimomarMuhumed
    @IbraahimomarMuhumed 5 หลายเดือนก่อน +1

    Hapeen aan Dareemaayo Qalpi xanuun welipa AhaY Qof ay ka dheertahaY Nolashiisu ayaan isLahaa kaalay TH-cam iskaga Nafis Ayaan Dip u Helay mid kamid ah Heesihii Ay Nooga tageen Dadkii fanka Lahaa markaan dhageystayna Aad Moodid ineypa iLa Joogto xaaskeygaan Jeclaa wxn dhageystay ugu yaraan 100 jeer kapadan Axx Yaa Sowt
    Adinkaa wahel Noo ah HobaLada waaberi
    9/9/2024
    Saacaduna thy 2:02 Am
    Gooptuna Dallas Taxes America 🇱🇷

  • @CabdiRisaaq-o9p
    @CabdiRisaaq-o9p ปีที่แล้ว

    Waxaan usheegayaa kuwa dhagaysandoona2060 ilahay kapaqa iskadayaa

  • @Raxmaxuseen-h4i
    @Raxmaxuseen-h4i หลายเดือนก่อน

    Inta aan waligood hees xifdinin😂

  • @Eng_hamze
    @Eng_hamze 2 ปีที่แล้ว +1

    Maydhi maaha wa maydh

  • @somalitoday4962
    @somalitoday4962 2 ปีที่แล้ว +2

    Ilaa 2015 Ayaan raadinayay heeskaan

  • @looyaan323
    @looyaan323 ปีที่แล้ว

    2009 kii dhageysan jiray mudo ma arkin 🙏

  • @cabdiraxman6731
    @cabdiraxman6731 2 ปีที่แล้ว +1

    Dhugmaal thanks 👍✅

  • @osmanii.7738
    @osmanii.7738 2 ปีที่แล้ว +2

    Muuqalka aragane tii ugu mudneydee qurux lagu mariimay! Magac inankale marka lugu yeedhe maqalaa soo hinqanaaya!

  • @abdiy.mohamed7489
    @abdiy.mohamed7489 2 ปีที่แล้ว +1

    Ya kula mushaaxoo mudug iyo nugaal kugeeyoo marwadiisa noqotaa..

  • @kingmoha9965
    @kingmoha9965 2 ปีที่แล้ว +6

    Aduunow jcylkaa ba, maxuu ruux dawalhiyay allow dhibka aduunyo aakhiro hanogu darin sorry heesha jcylka meel baa i damqanaysa markaan maqlo mahadsanid wlle xasuun shay mire alaah yaa raxma anigu poqorka codkan u qanaa

  • @cabdishakursaleban5111
    @cabdishakursaleban5111 ปีที่แล้ว +2

    Cumar bulxan AHUN ayaa Midhaha heesta iska leh

    • @Aliahmedaar
      @Aliahmedaar 7 หลายเดือนก่อน

      Ader heestan wax iska leh mahamed abdi aar

  • @ibrozzsiyat473
    @ibrozzsiyat473 2 ปีที่แล้ว +3

    Its hits me bcoz these is emotional damage 💔💬🗨

  • @ahmedkaaficare4859
    @ahmedkaaficare4859 2 ปีที่แล้ว +1

    Mahadsanid #Dhugmaal.

  • @hindamoha9289
    @hindamoha9289 ปีที่แล้ว +1

    Kama xiiso dhigo dhagaysigeeda sababtana ma ogi

  • @mceeri7238
    @mceeri7238 ปีที่แล้ว +1

    Heestan Waa Hees Reer Sanaag Iyo Ceerigabo AHUN Maxamed Cabdi Aar, Nuur Jamac Siciid, Shay Mire Dacar

    • @Aliahmedaar
      @Aliahmedaar 7 หลายเดือนก่อน

      Sax

    • @AliMaskiin
      @AliMaskiin 7 หลายเดือนก่อน

      Maxaad labada uu Kala saartay

  • @hanadmaxmud698
    @hanadmaxmud698 2 ปีที่แล้ว +2

    Xareed maaha waa
    Hareed kugu macsuuma

  • @GaryareYaxyeyuusufmaxamuud
    @GaryareYaxyeyuusufmaxamuud 10 หลายเดือนก่อน +1

    Magacada Makan

  • @axmedcali224
    @axmedcali224 2 ปีที่แล้ว +1

    Lipaax heesda wakhti badaan ayaan donaay ee supcripe ayan kuso saraaya

  • @xasanaxmed8688
    @xasanaxmed8688 ปีที่แล้ว +1

    1:3:2024
    Inaba caadi maha

  • @Aarkadollo
    @Aarkadollo ปีที่แล้ว +1

    Song very sweet

  • @oma2635
    @oma2635 ปีที่แล้ว +1

    More show don't worry I ask father says for get

  • @abdiy.mohamed7489
    @abdiy.mohamed7489 2 ปีที่แล้ว +3

    Magacaaga inan kale markii loogu yeeree maqlaan soohinqanayaa.. warkaas waxbaa kajiro 🤣

  • @AbshirOmar-xg5cw
    @AbshirOmar-xg5cw 23 วันที่ผ่านมา +1

    1:56

  • @WITAHOODIE-j
    @WITAHOODIE-j 2 ปีที่แล้ว +2

    The lgend

  • @cabdiraxman6731
    @cabdiraxman6731 2 ปีที่แล้ว +2

    Heesta waxa iigasii daran video ga sida aad u qurxisay

  • @oma2635
    @oma2635 ปีที่แล้ว +1

    My body or My people banaa waxaah ii idaaka qasaay inesy idiina qaboojiyo canaaha I can do cool 🥛 milk your don't worry 1 Minnesota

  • @AsadMaxamud-z1w
    @AsadMaxamud-z1w 3 หลายเดือนก่อน

    😢

  • @GaryareYaxyeyuusufmaxamuud
    @GaryareYaxyeyuusufmaxamuud 10 หลายเดือนก่อน

    Www 4:26 4:30

  • @oma2635
    @oma2635 ปีที่แล้ว

    Drink ice call

  • @xasanaxmed8688
    @xasanaxmed8688 ปีที่แล้ว +1

    1:3:2024
    Inaba caadi maha

  • @GaryareYaxyeyuusufmaxamuud
    @GaryareYaxyeyuusufmaxamuud 10 หลายเดือนก่อน

    Www 4:26 4:30

  • @GaryareYaxyeyuusufmaxamuud
    @GaryareYaxyeyuusufmaxamuud 10 หลายเดือนก่อน

    Www 4:26 4:30

  • @GaryareYaxyeyuusufmaxamuud
    @GaryareYaxyeyuusufmaxamuud 10 หลายเดือนก่อน

    Www 4:26 4:30

  • @GaryareYaxyeyuusufmaxamuud
    @GaryareYaxyeyuusufmaxamuud 10 หลายเดือนก่อน

    Www 4:26 4:30