Dhibaatada ay iskaabulonimada (single-nimada)leedahay Guurka ka hor cajiib!!!sheekh shibli

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 16 ต.ค. 2024
  • HORDHAC
    Ilaah ayaa mahadsan, marka u horraysa, kaddib nabiga korkiisa ha ahaato iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa iyo dhammaan dadka diintiisa raacay, intaa kaddib :-
    Buuggaan na hor yaalo maanta waa buug daweynaya mushkilad aad u weyn, oo xassaas ah, mushkiladdaas waxaa in badan ka hadashay� kutubta muslimiinta ay ku qoreen afka carabiga, kuwii hore iyo kuwii dambeba, marka dadka carabiga yaqaano keliya ayaa fahmi karo kutubtaas, marka dadka soomaalida aan u helin nasiib afka carabiga, duruuf ama duruuf dariba, buuggaan wuxuu u noqonayaa mid baahidooda buuxinaya, weliba� waa buug ku salaysan diinta islaamka, runtii ruuxa qoray meel weyn ayuu ka eegay baahida ummadda soomaaliyeed � ilaahay khayr ha siiyee � buuggaan wuxuu xanbaarsanyahay waxyaalo fara badan ruuxa uusan dad weyddiin karin xishood dartiis, isagaa u xallinaya, wuxuu ka sheekaynayaa, qaabka uu u dooranayo qofka gabadha uu guursanayo, sidee uu ula dhaqmayaa xaaskiisa, sidee uu u isticmaalayaa, nooca, qaabka, sida fiican, iyo in badan aan halkaan lagu soo koobi karin, marka waxaan akhristaha u deynaynaa waqtigiisa sidii uu ooga faa'idaysan lahaa,� waxaan� rajaynaynaa akhrisasho wacan.
    Fiiro gaar:? Buugga waxaa qoray? (Sabriye Macallin Muuse)??
    BAABKA KOOWAAD
    GOGOLDHIGGA GUURKA
    GUURKA IYO MOWQIFKA DIINTA
    Guurku diinta waa u gargaar, shaydaanka waa u gablan iyo hoog, waana gaashaan adag oo cadowga Eebbe laga galo, waxaana ku badata ummadda Islaamka si ay ula tartanto ummadaha kale.
    Eebbe waxa uu Aayaddiisa Qur?aanka ah ku leeyahay:
    (U guuriya xaaslaawayaasha idinkamidka ah iyo addoomadiinna kuwooda wanwanaagsan ?rag iyo dumarba?. Hadday sabool yihiin Eebbe asagaa deeqdiisa ku hodminaya, Eebbana waa kii deeqdiisu dadka ku wada aaddo, cid walbana duruufteeda ka warqaba.). Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) waxaa laga weriyey inuu yiri: (Isguursada oo tarma ummadaha ayaan idinkugu faanayaa maalinta Qiyaamaha eh). Cumar (RC) waxa uu dhihi jiray: (Waxaan u guursadaa saan wiil u helo), ibnu Mascuudna waxa uu oran jiray: (Hadday cimrigeyga toban beri oo keliyihi ka harsan tahay waxaan jeclaan lahaa inaan guursado, si aanan Eebbe uga hortegin anigoo doob ah). Saxaabigii Mucaad Ibnu Jabal daacuun baa ku dhacay, laba xaas oo uu qabayna ka dilay, markaasuu yiri: (War ii guuriya, ma jecli inaan Eebbe la kulmo anoo doob ahe).
    Qofkaan haddaba guursan karin sabab kastaa ha kalliftee, waxaa habboon inuu is ilaaliyo intuu faraj khayr qabaa uga furmayo. Eebbe waxa uu leeyahay:
    (Ha dhowrsadeen kuwaan awood guur heli karaynin intuu Alle deeqdiisa kaga hodminayo). Ibnu Mascuud waxa uu Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ka weriyey inuu yiri: (Ninkii awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u gaashaan. Ninkaan awoodi karinse ha soomo, soonkaa kacsiga ka bi?inayee).
    FAA?IIDOOYINKA GUURKA
    Guurku waxa uu leeyahay shan faa?iido oo kala ah:-
    1- Ubad kaa hara:- Faa?iidooyinka guurka tan ugu horreysaa waa sidii lagu heli halaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dabar go?in. Ubad dhalistu waa inay yeelataa afar ulajeeddo oo kala ha:
    Inaad ku doontid raallinimada Eebbe, maadaama aad gacan ka geysanaysid siday tafiirta dadku kusii socon lahayd.
    Inaad ku doontid raallinimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) kol haddaad ku kaalmeyneysid siduu ummadaha kale tirada ummaddiisa ugu faani lahaa.
    In Eebbe ku siiyo ubad khayr qaba oo kuu soo duceeya kolka aad dhimatid.
    Inaad ku doontid shafeeco kolka ilmo yari kuu saqiiro.
    2- Dhufays aad ka gashid Shaydaanka:- Guurku waxa uu kaa oodaa meeluhuu shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi ku lahaa rugtaada kuu yaallaan iyagoo xalaal ah. Qofku hadduusan Eebbe ka cabsi iyo iimaan ku hubaysnayn, rabitaankiisa kacsi ayaa hor kaca, haddii markaasi aanu helin guur xalaal ah, siduu dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay.
    3- Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda:- Shaqo tay naftu u jeceshahay haddaan loo helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabeetana la?iska deynayaa. Haddaba maxaad ka oran lahayd hadday shaqadaasi tahay taqwada Eebbe ooy iyada iyo naftuba isdiidayaan!. Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay cibaadada Alle iyo camalka adduunyo, waxaa habboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula baashaalo, si qalbigu ugu dego, laabtu ugu qabowdo firfircoonaanna uga qaado.
    4- Hawshii guriga oo hoggaankeedii kaa wareego:- Ninka oo ka xorooba maamulka guriga sida hagaajintiisa, xaaqistiisa, goglistiisa, cunto karinta iyo diyaarinta, alaab dhaqista, suuq kasoo adeegga, iwm., waxay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku shaqaysto, wax ku barto, Eebbena ku caabudo. Rasuulkeenna suubban (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis uu soo saaray Tirmidi ku leeyahay: (Midkiin ha yeesho qalbi Eebbe ku mahadin og, carrab Eebbe xusid badan iyo haweeney mu?minad suubban a

ความคิดเห็น • 77

  • @ahmedqanciye4997
    @ahmedqanciye4997 8 ปีที่แล้ว +10

    masha allah sheekh shibile allaha ku xafido really waan jeclahay wanaagaaga iyo sida aad dadka wadada wanaagsan u tustid

  • @xaliimoxaliimo4659
    @xaliimoxaliimo4659 7 ปีที่แล้ว +7

    Mashaallah sheqow ino duce inu illahey guri wanagsan nasiyo

  • @abuuislam4319
    @abuuislam4319 7 ปีที่แล้ว +4

    WALLE sheeqa runta ayuu sheegay. dhega WALLE dhibtaa way na heysataa ALLOW sheeqa shible ila kulmi aduunka intaan ka tagin

  • @mohamedlukman8806
    @mohamedlukman8806 7 ปีที่แล้ว +1

    Maasha ALLAAH Nolosha runteeda waxey bilaabaneysaa guurka kadib, Laakiin waxaan dhihi lahaa waxaan oo wanaag ah waxey soo muuqanaayaan markey xaaskaaga ay guriga joogto oo iyadana ay kugiriga ka kalaheyn. mar hadii iyadana ay kusii raaceyso amaba ay kaasii horeyso 2 Iskaabulo ayaad noqoneysaan. Mahadsanid Sheekh Shibli.

  • @jaamac7018
    @jaamac7018 4 ปีที่แล้ว +1

    Sax waaye wax jira ilaaahey ha i noo sahlo intii iskaaabulo ah

  • @kaahanuura1357
    @kaahanuura1357 3 ปีที่แล้ว

    Wlhi sheeikhow wx maad nola hadhin Alle noo Sah Alle haygu Peego mid Qayr qaba wali raadinayeh I.n

  • @dahirdayah4661
    @dahirdayah4661 2 ปีที่แล้ว

    Waa xaqiiq.

  • @abdifitahhirsi1624
    @abdifitahhirsi1624 7 ปีที่แล้ว +3

    mansha allah allow gurwangsan no sahal

  • @mustafehabarwaa2461
    @mustafehabarwaa2461 4 ปีที่แล้ว +1

    Malaa dhalintii fadhiday majliskaa isla habeenkiiba guur ayay u dhaqaaqeen

  • @shucaybawcabdi7997
    @shucaybawcabdi7997 7 ปีที่แล้ว +2

    Sheekh nooo soo duceeee nagu kaaakiciseee

    • @mynw7458
      @mynw7458 7 ปีที่แล้ว

      shucayb aw cabdi 😅😅😅😅😅😅😅

  • @jaamac7018
    @jaamac7018 4 ปีที่แล้ว

    Masha allaah sheekha iskaabulada baalaha ka rifay

  • @abdullahimohamed6208
    @abdullahimohamed6208 7 ปีที่แล้ว +10

    hhhh wlh wa runta Shekh Shible nolosha single nolol ma ahan lkn guur waxa ku nacay xisabtanka inte u socota iyo inte ka timid

    • @mohamedmuse4551
      @mohamedmuse4551 7 ปีที่แล้ว

      Abdullahi Mohamed

    • @mabbas6752
      @mabbas6752 7 ปีที่แล้ว +1

      Abdullahi Mohamed hhhhhhhh ma inaa waregtaa rabta qofba ba kusugaaye nolosha adigaba jeclanaya marka qof aad is fahmeysan hesho ee inte ka imady iyo inte usoctada yey Ku dhibin

  • @selflovebeauty5870
    @selflovebeauty5870 7 ปีที่แล้ว +3

    Kkk guurka xalaasha walhi waa raxo

  • @farahmacalinadan6688
    @farahmacalinadan6688 4 ปีที่แล้ว

    MshaAllh sheikh Allh kuxafido

  • @nastehoali4256
    @nastehoali4256 8 ปีที่แล้ว

    masha Allah Jazaaka Allaahu kheyrah sheekh

  • @abdiwahabnoor3460
    @abdiwahabnoor3460 5 ปีที่แล้ว

    MashaAllah sheikh shibl may Allah blessed You.

  • @ahmedqanciye4997
    @ahmedqanciye4997 8 ปีที่แล้ว +2

    wlh sheekhanaa been maaham nolosha qaybtii ugu fiicnayd aa naga maqan

    • @rahmayussuf5154
      @rahmayussuf5154 7 ปีที่แล้ว

      Ahmed Qanciye ,wa run noloshu wa tacawin

    • @yutimo9935
      @yutimo9935 7 ปีที่แล้ว

      Rahma Yussuf huno-ma I cawin ☜🗣😍
      (🙏¡¿)

  • @fadumoahmed9053
    @fadumoahmed9053 8 ปีที่แล้ว

    Mansha alaaah jzaakalaahu kheer sheeq ale haku xafido

  • @jagacmedia2793
    @jagacmedia2793 5 ปีที่แล้ว +1

    Macha Allah ilaahay miisaanka xasanaadka hakuu saaro

  • @soomaliweynnomorehawiye9442
    @soomaliweynnomorehawiye9442 7 ปีที่แล้ว

    Jasakalaah shiikh lkiinse guurku waa xisaabtan

  • @MohamedAhmed-xf7nj
    @MohamedAhmed-xf7nj 3 ปีที่แล้ว

    Shikh alle ha ku barakeeyo wllahy waxaad moodaa inaad ogtahay xaalada qolkayga ka jirtada sidaad iskaabulanimada uga hadlayso

  • @maryanahmed5550
    @maryanahmed5550 8 ปีที่แล้ว +1

    jaza ka lah walal

  • @guledtaajir330
    @guledtaajir330 6 ปีที่แล้ว

    Wata i hysata iska bulo wax karso wax mydho guri hagaji shekh wad u kuuro gashay

  • @mynw7458
    @mynw7458 7 ปีที่แล้ว +1

    Sheekhana nin dhar uun ku fikira looma baahna iskaabulanimada waxa ugu xun ay leedahay qofba sibuu u haystaa balse anigu qofka waxa ugu horeeya an jecelaahy inan ka helo waa xasilaad iyo qancin xaga gogosha ah insha Allah wan heli doona maalin un qof an ka helo

    • @mohacasri6927
      @mohacasri6927 7 ปีที่แล้ว

      أمة الرحمن walaal ciwaankaaga ma heli karaaa?

    • @mohacasri6927
      @mohacasri6927 7 ปีที่แล้ว

      walaaal ma single baaad tahay

    • @khadardhaqane6689
      @khadardhaqane6689 6 ปีที่แล้ว

      @@mohacasri6927 wlhi
      Waa xaqiiqo dhab ah weyan sheikh wax ka hadal ilhay haka ajiir siiyo sheikh

    • @siciidjava4216
      @siciidjava4216 5 ปีที่แล้ว

      Hh qadiifadba hallagu seexdee muhikmadu waa wada jiifka

  • @محمدمهدي-ص2ق9ص
    @محمدمهدي-ص2ق9ص 8 ปีที่แล้ว +5

    hala guursado

  • @engqambi8430
    @engqambi8430 6 ปีที่แล้ว

    Wlhi sheekhow runtaad ka hadashey

  • @foosmahamed1363
    @foosmahamed1363 8 ปีที่แล้ว

    masha allaah sheeq xafiduhulaah

  • @ibnhassaan5674
    @ibnhassaan5674 4 ปีที่แล้ว +1

    Sheekhow Qofkaasi aad sheegtay waa aniga oon Biyo ismarin, kolley adiga xitaa waad soo jabtay🤣 no matter waa kabixi donaa bi,idnillaah.

  • @jamilamuse5393
    @jamilamuse5393 8 ปีที่แล้ว

    Masha allh
    SHekh alle haku xafido

  • @mohamudmohamed5828
    @mohamudmohamed5828 5 ปีที่แล้ว

    shiikhow hdii aynu nahay aradada jamcaded waa na fashilisey 😃😃😃😃😃😃😃😃 Allah kheyr haku siyo wax ficanaa naga maqan walhi wadan muslim qofkii joga waa iskaabule nasiib badan
    inkastoo wax fican aynu nagu maqan yhiin naag raali ah alle hanoo sahlo

  • @fardoosomustafaadan4169
    @fardoosomustafaadan4169 7 ปีที่แล้ว

    masha Allah jazakllah

  • @mubaarigsiciid4922
    @mubaarigsiciid4922 6 ปีที่แล้ว

    Sheekh alla hakuxafido

  • @maryanaabo
    @maryanaabo 6 ปีที่แล้ว

    Masha allh shiiq shibli

  • @modkazar1369
    @modkazar1369 5 ปีที่แล้ว +1

    Asc sheikh suaalo ayan is weydiyey naftayda Ilahay quranka ku shegay inama mumininu ikhwa Hadana asxaabti gabdhaha adonta Wey gursan jiren waxaba dhici karta inay raali ka ahayn markaa diintu adonsiga bini adamka ma ogashahay

    • @siciidjava4216
      @siciidjava4216 5 ปีที่แล้ว

      Wll hashakiyin su'aashaada youtube ka waydii yadoo faahfaahsan waanhelaysaa

  • @hodanmohamed4870
    @hodanmohamed4870 4 ปีที่แล้ว

    masha Allah

  • @AbdirahmanAbdirizaq73
    @AbdirahmanAbdirizaq73 7 ปีที่แล้ว

    mashallah hala guursado

  • @laylalayla3658
    @laylalayla3658 7 ปีที่แล้ว

    mashallah sheikh

  • @saciidcabdulahi8192
    @saciidcabdulahi8192 7 ปีที่แล้ว +1

    Alaah no sahal gabadh diinleh

  • @mo-tv1782
    @mo-tv1782 5 ปีที่แล้ว +2

    Sheikhaaa anigaa unbuu iga hadlayaaa waleee
    Waxaa filayaaa CCTV Camera ayuu Qolkayga yar ugu xidhan
    @Suldaaanka iskaabuladda

  • @abdirahmanabdihakiimshire1693
    @abdirahmanabdihakiimshire1693 7 ปีที่แล้ว

    Masha allah

  • @Som-Hanoolaato
    @Som-Hanoolaato 8 ปีที่แล้ว

    Ma sha Allah, Xafidullah, Sheikh .
    Laakiin waxaan ka yaabey dadka isticmaalah dadkale sawiradooda iyagoon ogeyn inay dadkaas raali ka ahayn iyo inkale.
    Qofkaa Videogaan soo duubey ama TH-cam ka soo geliye, ma jecelyahay in dadkale sawirkiisa arooska ama sair uu leeyahay in dadk kale ay isticmalaan ?
    Soomaali qaar maxaa kakhaldan oo sawiro dadkale u isticmalaan iyago loo fasxin, sidaas oo kale waxay ku isticmalaan on Facebook waxaa aysan lahay oo Sawir dadkale leyihiin, waxaas waa xaaraan ogaada ee ka noqda khaladkiina intay dambi idin gaarin.

    • @QanaoSomalitvmn
      @QanaoSomalitvmn  8 ปีที่แล้ว

      Mahadaasanid

    • @Abdirisak_Sharif
      @Abdirisak_Sharif 7 ปีที่แล้ว

      sidee su.aalaha loweydiin karaa sheeq shibili facebook ama gmail pls iisheega ilaahey haidinka ajar siiyee insha allah

    • @ahmednaasir8363
      @ahmednaasir8363 7 ปีที่แล้ว +1

      waanoiyowaxsheeg@gmail.com

  • @samaalejr8972
    @samaalejr8972 6 ปีที่แล้ว

    WAXAAN AHAY 28 Jir AAN WALIGII GUURSAN XATAA AAAN NAAG WASIN NAAGAHANA WAA KA CABSADAA MAXAAA IGULA TALIN LAHAYD

    • @engjubbaismail1978
      @engjubbaismail1978 5 ปีที่แล้ว +2

      Samaale Jr horta erayga galmo ama gogol adeegso.

  • @abdirahmanahmed4301
    @abdirahmanahmed4301 5 ปีที่แล้ว

    Noolow wllo

  • @deeqwaaberi9928
    @deeqwaaberi9928 7 ปีที่แล้ว +5

    War Sheekha Sirteeni dhanba banaanku keenay oo maxu inoo reebtay 🤣

    • @Asli256
      @Asli256 7 ปีที่แล้ว +3

      Saabir Bunka hhhhhhh waxba kumu reebin ana wlhi markhati ka ahy 😂😂😂😂😂😂 xata iskabuladu iyago telephonka kugula hadlayo ayay ku dhahayan weelki an maydhaya 😂😂😂😂 lkn funny wakhtigods siday u xisabiyan an ka hela 😂😂😂😂😂😂

    • @saedahmed9548
      @saedahmed9548 6 ปีที่แล้ว

      Wad fashilmateen hhh

  • @saadaq3047
    @saadaq3047 7 ปีที่แล้ว +3

    ma ahan dumarka inaa u guursano dhar be ku dhaqeesa cuno ku karineesa sariirta ku hakajine waxas bini adanimo ma ahan sheikhi san u hdlaya

    • @cabdicasiissaleeban5285
      @cabdicasiissaleeban5285 7 ปีที่แล้ว +2

      Mana Xaanka
      wll muna shaqooyinka waa lakala leeyahay lkn waa la is caawinaya

    • @wacanhoyadeedueeg6126
      @wacanhoyadeedueeg6126 7 ปีที่แล้ว

      Mana Xaanka hhh waxdka hdashy io magaca meesha kugu qoran wlee wa kaaf Io kla dheeri 😂😂😂😂 nolow wllo

    • @Ahmedsacad
      @Ahmedsacad 7 ปีที่แล้ว

      Waa kuraacsanahy sheik lkn waa marki diin lagu wada dhaqmo

    • @shuaybfaisalmohamed3962
      @shuaybfaisalmohamed3962 5 ปีที่แล้ว

      Muna wll maha ninka kaliya inu raxo kaa helayo balse labada qofba wa sida wl inlays cawiyo
      Waa lobahanyahy

  • @ibrahimissak4548
    @ibrahimissak4548 3 ปีที่แล้ว

    Mashaallah 🤣😂♥️♥️♥️♥️

  • @saidalimohamuud1987
    @saidalimohamuud1987 3 ปีที่แล้ว

    Kacsigaaba kasii daran waxaas oo dhan😂

  • @fatimamoha1504
    @fatimamoha1504 7 ปีที่แล้ว

    marka hawshaashoodhan madumarkaa laguwaajibiyay bal wuxuu noo akhriyayo daya

  • @hodankhadar5715
    @hodankhadar5715 4 ปีที่แล้ว +4

    single iska ahow oo daawo siday lamaanayaashu isku qiimaynayaan🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣😅😅😅😅

  • @abdirahmanh4240
    @abdirahmanh4240 5 ปีที่แล้ว

    *Guurka wa rafaad raaxo single nimada ee ku jirta*
    *biil in laga sugto maxa kugu wato ma maqayad aaba zo mararta lol*

    • @CloseThatBackdoor
      @CloseThatBackdoor 4 ปีที่แล้ว +1

      Oo maad iska iska joogi? shahwadaada seed u gudan? ma si xaaraan misa si xalaal? ka jawab fadlan

  • @kaafiyaabdirizak
    @kaafiyaabdirizak 5 ปีที่แล้ว

    Masha Allah