Dayax iyo Cadceedaa Lyrics | | Axmed Yaasiin Digfeer

แชร์
ฝัง
  • เผยแพร่เมื่อ 17 ต.ค. 2024

ความคิดเห็น • 167

  • @abdihafiiid...............2008
    @abdihafiiid...............2008 6 หลายเดือนก่อน +29

    Only legend ayaa so raadin kara hada iga danbyso 2024 Is muji.👆

  • @cumarhobyo9700
    @cumarhobyo9700 3 ปีที่แล้ว +35

    Sidaan Ujoogo ayuu Qaraamigu Sidii Bunkii ii Qobtaa.❤❤❤
    Fanaaniintii Hore Wada Xul Ayay ahaayeen, Heesahay Qaadeenna sidoo kale, Wada macaan Cad Laga Tuuro maleh.❤❤

    • @cilowali4662
      @cilowali4662 ปีที่แล้ว +3

      Aad iyo aad anigu dadkii hore ayan jeclhy ❤🙏🙏

    • @sultanhufane1051
      @sultanhufane1051 ปีที่แล้ว +1

      Niyow ma dhoobadeena meel laga qaaday ?!! Wan kuso mirooda laftarkaygu....

    • @Maidaabdirashidiman
      @Maidaabdirashidiman ปีที่แล้ว +1

      Naa ii soomaali eekidaa ma anaa ku dhalay inaadeer gacalooy ❤❤

  • @Axmed_Hobyo
    @Axmed_Hobyo 3 ปีที่แล้ว +11

    Wale dayrta maanta ah
    midaan daawadaan helay
    amase daalay oo dhacay
    Digfeer awadaa galay...
    Favorite line 💞💞

  • @Sharkou_Nuh
    @Sharkou_Nuh 2 ปีที่แล้ว +22

    Midaan daawadoo kale dunidaba ma joogtee Meedey Dahabadeydii! GREAT SOMALI ARTIST. REST IN PEACE💚

  • @gofadhelyrics7037
    @gofadhelyrics7037  5 ปีที่แล้ว +87

    Taariikhda Fanaankii Yaasiin Axmed Digfeer. Waxaa Qoray: Cumar Seerbiya
    Yaasiin Axmed Goox (Digfeer), wuxuu ku dhashay gobolka Qorraxay ee dhulka SoomaaliGalbeed dabayqaadii dagaalkii labaad ee Adduunka, xili qiyaastii ku beegan sanadihii 1947 ilaa 1950kii qarnigiii Labaatanaad. Bilawgii hore ee noloshiisa, wuxuu u soo wareegay gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya, halkaasi oo uu ku noolaa ilaa taabbo galkiisii, waxaa soo koriyey adeerkii Goox Qarboosh oo ka tirsanaa Ciidamada sidoo kalena dhalay Fannaankii Maxamuud Goox Qarboosh.
    Bilawgii sanadkii1970-kii, Soomaaliya waxaa ka bilawday Kacdoon Faneed, waxaa aasaasantay Kooxdii Hobolada ee Waaberi ka dibna, sanadkii 1973 waxa la saasay kooxaha Onkod iyo Horseed oo kala hoostagi jiray Milatariga iyo Asluubta Soomaaliyeed. Axmed Iidow Abtiile (Axmed Nuur Jaangoo) oo xiliyadaasi ka mid ah Fanaaniinta magacooda aad loo hadal hayo kuna caanbaxay heesta Daljir ee uu halabuuray Abwaan Xasan Xaaji C/laahi (Xasan-Ganey) iyo Axmed Yaasiin Digfeer oo qiyaas ahaan 25 jir ah balse aanay bulshadu aqoon badan u lahayn waxay kow ka ahaayen asaaska kooxda Horseed ee Xoogga Dalka oo ka dhalatay isku darka kooxihii Booliska iyo kubadda cagta.
    Sanadkii 1973, wuxuu ahaa markii koowaad Yaasiin Axmed Digfeer uu ka soo muuqdo riwaayaddii ‘Ugub Jacayl Iyo Af Kala Qaad’ ee uu alifay nin caan ku ahaa magaca Ina Baaruud.
    Maxamed Warsame Aw-gabal Maxamed Cadde (Jubba) oo ka tirsanaa Idaacadda Raadyaw Muqdisho muddana ku noolaa Hargeysa oo loo xushay xayeysiinta Hoteelada Curubo iyo Jubba ayaa markii uu riwaayaddan oo ay ku jirtay heesta ‘Digfeer Aawadaa Galay’ ama ay dadka qaarkood u yaqaanaan ‘Dayaxiyo Cadceedaa, Dorraad Layga Yeedhay’; wuxuu Maxamed Warsame ku naanaysay Yaasiin Axmed Goox magaca Digfeer ee heesta ku jiray.
    Maxamed Warsame Aw-gabal Maxamed Cadde (Jubba) wuxuu ku dhintay dagaaladdii Sokeeye ee Soomaaliya.
    Digfeer oo muddo kooban ku noqday nin fanka Soomaalida dhexdiisa caan ka ah sidoo kalena noqday macallimiinta kooxdiisa Horseed, waxyaabaha la aamisanyahay in suugaantiisa ay soo shaac saartay waxa ka mid ah ilaa afar heesood oo uu u dhiibay Abwaan Nuur Jiis oo madax ka ahaa Maxakamada Gobolka Hiiraan, heesahaas oo uu Abwaanku kaga cabanayey haweenay uu qabay. Heesahaas waxaa ka mid ah:
    1. Heesta Sagal oo markii hore ahayd Sahra xaaji Xalwaay.
    2. Saaxiib miyaan nahay, iyo heesta
    3. Rugta saxada wacanee
    Baladweyn salkeedaa
    Rabbi kugu sameeyee
    Sawjadii naftaydaay,
    Sahraay waan ku sugayeey
    Qisadan Abwaan Nuur oo bilaabmatay 1973 in muddo ahna socotay ayuu Abwaan Nuur Jiis waxa uu saluugay fariimahan uu dirayo iyo falcelinta ka imanaysa oo aanu midho dhal u arkin, waxaanay taasi sababtay in Abwaanku uu Buula-Xaawo ku xidhxidho qaar fannaaniin kooxda Horseed ka tirsan oo uu Digfeer-na ku jiro. Muddo ka dib Abwaan Nuur wuxuu u soo wareegay Muqdisho halkaasi ayay Digfeer wakhti ku sii wada qaateen, inkasta oo la sheego inaanay xilligaasi Haweenayda iyo Abwaan Nuur lamaane ahayn balse weli waxa aad u xooganaa jacaylkii uu u qabay.
    Digfeer oo u sheekeeyey saaxiibkiisii rumaad ee Aadan Cabdi (Aadan Goobbe) oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdii Horseed oo anigana sidoo kale ii sii sheekeeyey, ayuu Digfeer ku yidhi “Mushkiladaha I haysta waxaa ka mid ah, in hees kasta oo aan qaado, dadku waxay leeyihiin waxay ku saabsantahay arintii Nuur iyo marwadiisa, aniga xattaa kuwa igu saabsan dadku waxay moodayaan uun in aan Nuur ka hadlaayo”. Balse dhinaca kale, Digfeer laftiisa waxa soo foodsaaray jacayl xooggan oo markii dambena uu u gardhiganayo xaaskiisii waana ka mid ah marka uu ku heesayo “Ma Markaad Gaajootaada, Garabba Maalin Dubataa” arrintaasi oo ku saabsanayd dood uu ka qabay qaab daranka qoyskiisa.
    Isla Ayaamihii fanka ee Digfeer, Habeen ku jiray sannadkii1981 iyada oo Muqdisho la joogo waxa goob ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah Hoboladii Horseed ugu yimi nin dhallinyaro ah oo ka soo safray Galgaduud, Badhtamaha Soomaaliya, ninkan wuxuu ka cabanayey gabadh ku ballan furtay oo ay jacayl wadaag ahaayen isla markaana barbaarta facooda ahi ay isku ogaayeen. Ninkii markuu sheekeeyey wuxuu xusay in gabadhaasi ay nin kale ka raacayso oo markaasi isaga ka dhaqaale roon. Abwaan Aadan Cabdi Axmed (Aadan Garaash) oo dadka badankoodu ku garan karaan gabaygii ‘Toosi Luquntaada’ ayaa u alifay heesta Burji iyo Nasiiblaay oo ay ereyadeeda ka midyihiin:
    • Waxaan baaq u dirayaa
    • Tacsi ugu bun dubayaa
    • Jacaylkeeni barigii
    • Barbaartii wax ka ogayd
    • Ee Gelinsoor bankiisiyo
    • Baadiyihiisa laga helo
    • Beel guba inaad tahay
    • Iyo beeni raad ma leh!
    • Na dhex marin bariidadu
    • Ilayn waan is baranee!
    Heestii ayuu Digfeer qaaday, waxaa laxanka wada saaray C/qaadir Leyloon, Aadan Goobbe iyo Yaasiin Axmed Digfeer oo dhammaan ka wada tirsanaa kooxda Horseed. Heestan mar dambe isna waxa qaaday C/qaadir Jubba.
    Mar kale 1982, Digfeer iyo kooxdiisii Horseed oo Hargeysa geeyey riwaayaddii ‘Wakhti Iyo Waalli Jacayl’ oo uu alifay Abwaan Bashiir Salaad, wuxuu ka warhelay inay Hargeysa timi xaaskiisii oo uu sidoo kale uu ka dhexeeyo jacayl xooggani balse khilaaf ku kala maqnaa . Digfeer wuxuu codsaday in la fasaxo isaga oo sheeganaya inuu xanuusanayo balse waxa ka diiday taliyihii kooxda inkasta oo ay fasaxeen dhammaan hoboladii kale duwanaa ee ku jiray Horseed safarkana ka mid ahaa. Digfeer oo cabiraya fasaxa loo diiday, isaga oo la hadlaaya taliyihiisii, wuxuu ku heesay ‘Anna waa lay sitaa , Adna waa kuu subax wanaagsan, Wakhtiguse mooyi si uu noqon’.
    Digfeer, heeso badan ayuu noloshiisa ku cabiray waxaana ka mid ahayd heesta ‘Haddii Geel La Kala Dhaco’ oo uu kaga hadlaayey mar uu gabadh uu calmaday weydiistay qoyskooda balse hayb ahaan loogu diiday. Wuxuu si farshaxannimo leh ugu doodayaa in haddii dadka dhib kasta dhexmarto in laga wada xaajoodo oo arrinta gar lagu dhammeeyo, balse isaga tiisa gef laga galay haddiiba loo diiday inuu ka gardhigto gabadha uu caashaqay ee loo diiday.
    Xiliyadaasi Fanka Soomaaliyeed, muddo dhawr sanno ahba gudahooda waxa la samayn jiray qiimayn ku saabsan tayadiisa, waxaana qiimayntaasi samayn jirayn uun fannaaniinta dhexooda. Sannadkii 1983 waxa la abaabulay qiimayn ku saabsan fannaanka ugu wacan heesaha calaacalka ah (Cataw) luuq ahaan iyo laxan ahaanba, labadiiba waxa lagu maamuusay Yaasiin Axmed Digfeer.
    Mar kale sannadkii 1983 debaal-deg aroos oo loo samaynayey Col. Axmed Cumar Jees isla markaana uu hab-maamuuskeeda lahaa Madaxweyne Maxamed Siyaad oo si gaar ah ay saaxiib u ahaayeen walaalkii Maxamed Cumar Jees, waxa la isugu yeedhay intii u mudnayd shantii kooxood ee Waaberi, Onkod, Halgan , Heegan iyo Horseed. Xafladdii waxa furay Aabihii fanka Soomaalida, C/laahi Maxamed Maxamuud (Qarshe) oo qaaday heestii ‘Dhalintii Waddankaan Nahay’ ka dibna, safbaa la mariyey qof kastaana wuxuu qaadayey hees kabankana wuu dhiibayey, waxaana goobta yaallay ilaa afar kaban oo la soo xulay. Waxay soo gaadhay Yaasiin Digfeer, waxa uu qaaday heestii ‘Kaalay Kaalay Kol Ii Imo’, dadkii goobta joogay oo ka badnaa 300 oo qof way diideen in Digfeer Kabanka wareejiyo, sidii ayaanu saddex heesood oo kale ku qaaday.
    Waxyaabaha gaarka u ahaa Yaasiin Digfeer waxa ka mid ahaa in uu kaalinta koowaad kaga jiray Billadda Tumista Heesaha Fudud (Saambo/Jaas) waxaana la sheegaa inaanu jirin qof sidiisa u tumay inta la ogyahay Fanka Soomaaliyeed.
    Markii ay soo baxeen heesaha ku jiray riwaayaddii ‘Dab Jacayl Kari Waa’ sanadkii 1974 ee Abwaan Xasan Ganey ee aadka loola dhacay laxamadii uu heesahaasi saaray Axmed Nuur Jaangoo, ka dib Jaangoo wuxuu noqday nin aad loogu tixgeliyo laxan samaynta, balse waxaa xusid mudan Jaangoo laxan muu samayn jirin Digfeer oo la jooga ixtiraam aawadeed.
    Burburkii Soomaaliya ka dib, Digfeer waxa uu inta badan ku noolaa magaalooyinka Jigjiga iyo Jabuuti. Digfeer waxa uu magaalada Hargeysa ku geeriyooday sanadkii 2002-dii.
    Alle ha u naxariisto
    WQ: Cumar Cali Xasan - Seerbiya
    Muqdisho, Soomaaliya
    29.12.2018

    • @hafsoquruxo21
      @hafsoquruxo21 4 ปีที่แล้ว +3

      Thanks waxa laga yaba qoralka ina dhib uso marti 😋😮

    • @gofadhelyrics7037
      @gofadhelyrics7037  4 ปีที่แล้ว +5

      walaal taariikhdiisa waxaan kasoo xigtay cumar seerbiya nin uruuriya fanka soomaalida weeyaan

    • @ustaadsaqaawe8498
      @ustaadsaqaawe8498 4 ปีที่แล้ว

      M.a baaba digfeer alle ha u naxriisto waa fanaanka qudha ee aan ugu jeclahay allaa yarxama

    • @hanadmahad5294
      @hanadmahad5294 3 ปีที่แล้ว +1

      Thanks msul

    • @bashiircawil6063
      @bashiircawil6063 3 ปีที่แล้ว

      Thanks wllo aad bad umahadsanthy wanaan dhamaysany

  • @nasteexonalkaaduunyada1346
    @nasteexonalkaaduunyada1346 3 ปีที่แล้ว +13

    Ilaahey ha unaxariisto Yaasiin axmed Digfeer🤲

  • @Mr.jordi.
    @Mr.jordi. 9 หลายเดือนก่อน +22

    2024 hadaad daawatid please one love

    • @galdigsi3652
      @galdigsi3652 4 หลายเดือนก่อน +1

      Waan daawanayaa walle

  • @user-Abdifitah
    @user-Abdifitah 8 หลายเดือนก่อน +21

    Still listening 1 February 2024😢

    • @abdirahmanabdirazak3466
      @abdirahmanabdirazak3466 8 หลายเดือนก่อน

      Somali ku hadal sxb

    • @user-Abdifitah
      @user-Abdifitah 7 หลายเดือนก่อน

      @@abdirahmanabdirazak3466 is it problem if I use these language bro

    • @FAISALJIMALE
      @FAISALJIMALE 6 หลายเดือนก่อน

      Like me still lestening😂😂😊😊

  • @coman4671
    @coman4671 3 ปีที่แล้ว +7

    old gold digfer inan aan taageri jiray allaha una xariistee janada fardoowso allaha ka waraa biyo

  • @ayanna_mx4613
    @ayanna_mx4613 3 ปีที่แล้ว +14

    2020 end kiisi bn daawanya old is gold Allah haw naxriisto abwaan digfeer😭💔

  • @HapiXuseen
    @HapiXuseen 7 หลายเดือนก่อน +6

    Heestan qof ila dareen San u dhegsto u dhegsta ma jiir tolw😢😢

  • @suleimankeydaud9807
    @suleimankeydaud9807 3 หลายเดือนก่อน +9

    Still 27/6/2024 like isar❤❤

  • @Abdulahi22222
    @Abdulahi22222 4 ปีที่แล้ว +4

    Walee dayta manta mid aan daawadaa helay
    ❤❤✅✅✅🤴🇸🇴Jacaylkii cilmi dilay
    Igu dooganaayoo dadka kale ma aadee anigaa la iga dabariday.

  • @cismaanxasan786
    @cismaanxasan786 4 ปีที่แล้ว +10

    Waan ladhacay heestii form borama

  • @abdilaahixaaji713
    @abdilaahixaaji713 หลายเดือนก่อน +1

    Waa Haben sabtiya waxan jooga xamar gara ahan cabdicasis waxan askari ciidkan qaranka soomaliyeed oo ku jira suu dalkisu ugaadhi lahaa horumar iyo nabad warta iyo xasiloni balse ana lahani tabar ku filan oo dban walba ka jiran caqabado kala duwan oo aha qabilo iyo ano reerodo ana dhan waligod

  • @dhawrsaninaawke5690
    @dhawrsaninaawke5690 3 หลายเดือนก่อน +1

    Ilaahow isii qof I jecel oo igu faana❤

  • @khaalidjamaal4149
    @khaalidjamaal4149 2 ปีที่แล้ว +1

    Kabanka waxa ku farayaraysanaya ustaadki wayna jiim sheekh muumin alle haydin naxariisto labadiinaba dhawan ayu jiim dhintay

  • @CabdishakurFataahye1
    @CabdishakurFataahye1 2 หลายเดือนก่อน +2

    San uso xasuusto like ii saar😢 11/82024❤

  • @ArabFashion-o4d
    @ArabFashion-o4d 8 หลายเดือนก่อน

    Kaban kaan jiimi shekh muumin miyaa tumay❤ sidaan dareemayo gacantiisa ayaan ka dhadhan sanayaa

  • @lawyeryahyeabdiabdilahi677
    @lawyeryahyeabdiabdilahi677 3 หลายเดือนก่อน +2

    Inta ila dhageysanaysa caawa oo kale 27/06/2024 2:30 habeenimo oo Arbaca ah like soo dheha ❤

  • @IsmaelAbdourahman-zn8bt
    @IsmaelAbdourahman-zn8bt ปีที่แล้ว +1

    Hesahan oo kale maarkan dhagesto waan giiroda walahi 😢😢❤

  • @suleimanahmed5366
    @suleimanahmed5366 ปีที่แล้ว +4

    ALLA KABAX |☆ DAYAXA IYO CADCEEDAA DORAAD LA IIGA YEERO DARUURA KORKOODAA DURBAAN LA IIGA TUMAYEE . ☆
    ☆DARIIQAAN TALAAB-TAA DABAYLIHII JACEYLKAA IGU SOO DAGAAYOO DARIS AANU NOQONEE ☆.| ❤🎻
    BIG LEGEND | AXMAD YAASIIN DIGFEER. | ❤🔥

  • @bashirosman3386
    @bashirosman3386 10 หลายเดือนก่อน +1

    Waa heestii uu magaca digfeer kula baxay ahun

  • @aasiyanuur393
    @aasiyanuur393 2 หลายเดือนก่อน +3

    Still 8/8/2024❤😊

  • @Hanad_adam
    @Hanad_adam 3 หลายเดือนก่อน +2

    Old is gold 🎉❤

  • @hanadabdulkadir9454
    @hanadabdulkadir9454 ปีที่แล้ว +1

    Woow 2023 ayaa weligey heestan maqley wana ka helay 🎉❤

  • @aboubakarhassan7670
    @aboubakarhassan7670 3 หลายเดือนก่อน +1

    Mon pays 🇩🇯one love 2024

    • @AbdiHarfi
      @AbdiHarfi 2 หลายเดือนก่อน

      Mee too from djbouti 2024❤

  • @saifmohammed1646
    @saifmohammed1646 4 ปีที่แล้ว +16

    hadaan inyar miraha kaa saxo walal
    halka aad tidhi:
    Anoon duunyo xoolaad
    Midna ii dareerayn
    Waxaad ka odhanlahayd :
    Anoon duunya xoolaad
    Deexna ii dareerayn
    aad baan kaaga mahadcelinaya sida wacan eed uqortay miraha

    • @gofadhelyrics7037
      @gofadhelyrics7037  4 ปีที่แล้ว +2

      Adaa mudan walaal saif waadna mahadsantahay sixitaankaaga

  • @abdihafiiid...............2008
    @abdihafiiid...............2008 2 ปีที่แล้ว +1

    Waa heesti u magaca caan baxay kula baxay . Anigana xasus gooni ah I ah .
    Amase daalay oo dhacay
    Digfeer aawada galay..

  • @naajudahir220
    @naajudahir220 11 หลายเดือนก่อน +2

    Malin talaada ah o ay ku began tahay 12:7 / 31/10/2023 jawiguna u yahay mid robed ninkeyga o iga fog ban dhagesanaya ilahay haisu kaayo daayo hana isu kaaya keena jacaylkenana rabi hano siyadiyo awlaad baariyana hana siya mcn aduunka ayan ku jeclahay ❤

    • @KhadarZero100
      @KhadarZero100 9 หลายเดือนก่อน

      Meeshad jogtana ku dar tarkhda hadgu hafine😂😂

  • @cilowali4662
    @cilowali4662 ปีที่แล้ว +3

    Midaan daawado kle
    Dunidaba ma joogtee
    Meeday dahabadeydii
    Meeyday dahabadeydii
    Hee xigmadeysan wye wlhi 🩸❤️📞
    Music kawa daran ax ax🎵

  • @apdirahman1433
    @apdirahman1433 7 หลายเดือนก่อน +1

    Old is gold 🪙 wlhi 😢❤

  • @nasimoshiikh3482
    @nasimoshiikh3482 4 ปีที่แล้ว +7

    Thanks Ina heesta o kaban ah so deyso

  • @ridwaancabdirixmaan6031
    @ridwaancabdirixmaan6031 2 ปีที่แล้ว +10

    heestan qiso aniga igu dhacday ayay ka turjumaysaa anigoo schoolka sare dhigta ayaan inan jecladay inanta reerkodu reer ladan oo lacag haysta ayay ahayeen ana noloshaydu meel iska dhexe ayay ahayd inantii si xad dhafa ayan ujecladay xataa heer waxan gaadhay aan exemka aan kaalinta shanaad soo galo anoo markii hore exemka schoolka oo dhan ugu sareyay noloshayda way is bedeshay inantiina way igu gacan saydhisay ilaa maanta ma iloowo si kastoy ii xumaysay hadh iyo habeenba wan uduceeya gabadhaas

    • @Cabdi.carab.sooyaal
      @Cabdi.carab.sooyaal ปีที่แล้ว

      Nacala kugu yaale ma qisadaada ayaanu noogu kor sheeke oranay kkkkkk

    • @Maidaabdirashidiman
      @Maidaabdirashidiman ปีที่แล้ว +1

      Wallaahi walaal nin gobeedka la sheegaaba waaa adiga oo qudha maan shaa allah caqli ayaa ku dhaaftay facaaga ee baara kallaah huuno macaan ❤❤

  • @saedhassanabdirahmaan6327
    @saedhassanabdirahmaan6327 ปีที่แล้ว +1

    Murti iyo heeso waa kuwii hore💯✅

  • @abdirisagabdigder7300
    @abdirisagabdigder7300 4 ปีที่แล้ว +9

    hadaan fanaan noqolaha heestaan kalaan qaadi lahaa

  • @Nastexo996
    @Nastexo996 7 หลายเดือนก่อน +1

    1 march Friday 😢❤❤❤

  • @AhmadSaciid-p6b
    @AhmadSaciid-p6b 4 หลายเดือนก่อน +1

    Yaa dawanaya 2024 me

  • @ahmedhassan8584
    @ahmedhassan8584 4 ปีที่แล้ว +40

    Old ıs gold

    • @ronniecastiel6970
      @ronniecastiel6970 3 ปีที่แล้ว

      i dont mean to be so off topic but does anybody know of a method to log back into an Instagram account?
      I somehow forgot the account password. I would appreciate any tips you can give me.

    • @nimomohamud-vl7yy
      @nimomohamud-vl7yy 6 หลายเดือนก่อน

      True

  • @zakboy6538
    @zakboy6538 2 ปีที่แล้ว +6

    2022/4/25 baan daaawanaya yaa salaam alla yarxam digfer

    • @najaxahmed1358
      @najaxahmed1358 2 ปีที่แล้ว +1

      Hadan dhegeysanyaa aniguna kkkkkkk

    • @zakboy6538
      @zakboy6538 2 ปีที่แล้ว +1

      @@najaxahmed1358 waaad iga yara danbysaaaa

  • @shaaniqadarshaani5677
    @shaaniqadarshaani5677 10 หลายเดือนก่อน +2

    Kabankii ustaad jiim ayaa so dhadhamaya allha unaxristee😢
    Heestan waxan ku dhagaystay habiin 12:00 marayso waa midnight
    Kaso horjedka hospital digfer xaafad la dhoho ciiso qodax rer hodan ayaa yaqaan dadba umaleya ina qayilayay balse waxa i hyayay buuq ama stress markii aan murug ama jaam galo waxa dhageysta sedex fanan midkood muse ismail qalinle, cumar dhuule ,
    digfeer sedexdaba allh unaxristo waxaan kuso maray waqti badan oo xaladuhu igu adkayeen maqaalkan ina so dhereyo waa jecla lakiin waxan idinla wadagay nuxurkii shekada noloshu waa halgan
    Markaa oo kale waxa odhan jidhay Meeday anfacdeydii?🙏

  • @ClcasiisRoberto-ip6rg
    @ClcasiisRoberto-ip6rg ปีที่แล้ว

    Hètaan wan ku marqamaa marka aan u jabanaynayo❤❤❤

  • @AbdiMalik-hm7tz
    @AbdiMalik-hm7tz 7 หลายเดือนก่อน +2

    Still listening mar 8 / 2024

  • @mandekmohamudosoble6788
    @mandekmohamudosoble6788 8 หลายเดือนก่อน +1

    Hees iyo bar❤😢

  • @keyow6048
    @keyow6048 9 หลายเดือนก่อน

    Best song all time somali songs 💆🏾🔥🔥

  • @khader3888
    @khader3888 8 หลายเดือนก่อน +2

    Still feb/17 /2024😢

  • @yahyahassan274
    @yahyahassan274 4 ปีที่แล้ว +3

    Halaa waleee waxba ka dhacay.

  • @kawsarhenna8695
    @kawsarhenna8695 4 ปีที่แล้ว +7

    Axyaa hees xigmadaysan

  • @AbdirahmanOsmanabdullah
    @AbdirahmanOsmanabdullah 9 หลายเดือนก่อน

    Dahab caanaheeda wow❤❤

  • @sheeylong9946
    @sheeylong9946 4 ปีที่แล้ว +12

    Heestan 2001 ban ku qaayi jiraay aniga iyo saxibkay....wa an bosaso ku sugneen

    • @gofadhelyrics7037
      @gofadhelyrics7037  4 ปีที่แล้ว

      dhal murqaan

    • @aminmohammed5994
      @aminmohammed5994 4 ปีที่แล้ว +3

      Wrya sheey luuga dheroow..wa ikana haqay.....raaag kala dhumaay wrya wayuhu xagu ku dhigaay

  • @xasanaxmed8688
    @xasanaxmed8688 ปีที่แล้ว +1

    Ale ha unaxariisto
    lkn heestu inaba caadi mahaa😍☑

  • @Aminsom
    @Aminsom ปีที่แล้ว

    Heesahaan oo kale markan dhagesto waxaan igusodhaco waaagi aan yaraa iyo wadanki dhulkii aaan ka imaaday 😢

  • @SumeyoSiman-fj5qd
    @SumeyoSiman-fj5qd 12 วันที่ผ่านมา +1

    5/10/2024 ❤❤❤

  • @sultanhufane1051
    @sultanhufane1051 ปีที่แล้ว

    Ano mobilkayga ku haysta maxan uga so dhagaysta TH-cam-ka wa amar Alle ??
    I love you ban ahay kkkkk

  • @MohammedAhmett
    @MohammedAhmett 4 หลายเดือนก่อน +1

    team digfer like sara

  • @mssamiishamssamiisha6307
    @mssamiishamssamiisha6307 2 หลายเดือนก่อน +1

    July 2024😂❤

  • @AbdirahmanYuusuf-cq2zh
    @AbdirahmanYuusuf-cq2zh 6 หลายเดือนก่อน

    Habeen arbaca ah ramadan 2024 bishi 4aad 3diidi mirqaanku igu baxayo 🥹🙂‍↕️

  • @abdiazizyaano8001
    @abdiazizyaano8001 ปีที่แล้ว

    Dururaha korkooda gurbaan laiga tumaayaa 2023❤

  • @BÁ4ŤÙĻ01BÁ4ŤÙĻ0
    @BÁ4ŤÙĻ01BÁ4ŤÙĻ0 16 วันที่ผ่านมา +2

    1/10/2024 still😂

  • @abdallaalhadi32
    @abdallaalhadi32 4 หลายเดือนก่อน +1

    2024 bisha 6aad 16 hbn axada sacaDu thy 2:00pm berina ciid carafo ay thy jawiguna ad umacanyhy feeto7 iyo kaligey meel cidlo ah hees iyo badh

  • @nimcohappy5466
    @nimcohappy5466 4 ปีที่แล้ว +17

    I love guitar❤❤

  • @MohammedAhmett
    @MohammedAhmett 5 หลายเดือนก่อน +1

    digfer❤❤❤❤

  • @MaxamedyareMaxamedyare-nn5up
    @MaxamedyareMaxamedyare-nn5up 2 หลายเดือนก่อน +1

    ❤❤❤❤❤

  • @abdulahiholand4022
    @abdulahiholand4022 3 ปีที่แล้ว +2

    Kabanka yaa garaacaya..
    Cajiib yaa cajiib..
    Jacayl daalan oo culus,,
    igu daadi dhagaxuun

    • @muusiga
      @muusiga 2 ปีที่แล้ว

      Jiim sheekh muumin baa tumayaa kabanka

  • @ApokorAbdirisaaq-fn9if
    @ApokorAbdirisaaq-fn9if ปีที่แล้ว +1

    Heesi waa heesihii hore dadna waa dadkii hore maleyla qabaa midaas😊😊😅

  • @zakariyelaala6348
    @zakariyelaala6348 ปีที่แล้ว +2

    11/30/2022 kaliya 2023 waxaa inooga hadhzan 30 malmood oo qudha

  • @muhamedaaaminandirahmaan7377
    @muhamedaaaminandirahmaan7377 3 ปีที่แล้ว +2

    Axsan hees digfer ala yarxam

  • @jabarkuson2241
    @jabarkuson2241 ปีที่แล้ว

    Hesta fuur nyw download ufuuur deee

  • @FitirYare
    @FitirYare 7 หลายเดือนก่อน

    Meday dahabadeydii😢

  • @ZacduushAdanibrahimSacdu-wb4ox
    @ZacduushAdanibrahimSacdu-wb4ox ปีที่แล้ว

    Dhageysigeeda kamadalo🥰

  • @nuuraalidhahar522
    @nuuraalidhahar522 7 หลายเดือนก่อน

    Still listening 5 march 2024😢

  • @ShuuriyeCade
    @ShuuriyeCade ปีที่แล้ว

    Old is gold

  • @mukhtarcayngal1973
    @mukhtarcayngal1973 2 ปีที่แล้ว +2

    Old song 🎵 is gold ✨ 👌

  • @aflaamhindiCusub
    @aflaamhindiCusub 2 ปีที่แล้ว +4

    2022 yaa DaawanaYa

  • @RoodaAbdiHassan65
    @RoodaAbdiHassan65 11 หลายเดือนก่อน

    Favorite song 🎵 💕

  • @playRidwaan
    @playRidwaan 7 หลายเดือนก่อน

    Still listening 11 March 2024

  • @marwomohamed9816
    @marwomohamed9816 ปีที่แล้ว

    Old is gold ❤😢

  • @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi
    @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi 9 หลายเดือนก่อน +1

    #LyricsSongDAYAXIYOCADCEDAA
    #Page1
    Dayax iyo cadceeddaa
    Dorraad Layga yeedhoo
    Darruuraha korkooddaa
    Durbaan Layga tumayee
    #MUSICWarmaxaadTidhi
    Dariiqaan ka Laabtanna
    Dabaylihii Jacaylkaaaaa
    Igu soo deggaayoooooh
    Derris aanu noqoneeeee
    Middaan daawadoo kale
    Dunnidaba ma Joogteee
    Meedday dahabadayddii
    Meeday dahabba dayddii
    Wallee dayrta maanta ah
    Ama daawadaa heLLay
    Amase daalayoo dhacay
    DIGFEER Aawadaa galayee
    EEEEEEEEEEEEEEEE-EEH
    #Page2
    Anoo duunyo xoollaad
    Deex-nna ii darreerayn
    Jacayl daalanoo Culus
    Ugu daadi dhagaxyooh
    Wax kaleeto daayeeeee
    Dahab caanaheeddaaaa
    DACAR ii dhadhamayoo
    Dibnahaba Ma Saarreee
    Middaan daawadoo kaLe
    Dunnidaba Ma Joogteee
    Meedday daha-bbadaydii
    Meedday dahaba-dayddii
    Wallee dayrta maanta ah
    Amma daawadaa heLLay
    HOOOOOOOOOOOOOY
    AMA daawaddaa HeLLay
    Amase daalayoo dhacay
    DIGFEER Aawadaa galay
    #Page3
    Intaan dumar Jeclaaddaan
    Dookhu igga habbaabooo
    Sidda aan dar darranahay
    Iska dabba warreegteeee
    Jacaylkii Cilmi-ba DILLA
    IGU Dooganaayoooooo
    Dadka Kale ma AADDEE
    Annaa Layga dabba ridday.
    __________________________
    HEES XUSID MUDAN OLD IS GOLD
    Heestan waxa curinteedda Lahaa
    Abwaan Ahmed Ismail Baaruud 1973
    Laxankana iyo Luuqdana waxa Saaray Ustaad SaaxiibuL Masraxiya AHMED YAASIIN DIGFEER AHUN.

  • @AbdirahmanOsmanabdullah
    @AbdirahmanOsmanabdullah 9 หลายเดือนก่อน

    Kabanka yaa tumay digfeer,nooshhega

    • @Ahmet_zhukri
      @Ahmet_zhukri 7 หลายเดือนก่อน

      Waa isla isaga wll xeel-dheere kaban buu ahaa🫡🎸

  • @haldoortube1824
    @haldoortube1824 4 หลายเดือนก่อน

    Dayaxa iyo cadceeda

  • @Abdixakiincawil
    @Abdixakiincawil 5 หลายเดือนก่อน

    Wali 2024/5/17
    Dawanayaa

  • @mohamedosmaan1112
    @mohamedosmaan1112 ปีที่แล้ว

    2023❤️‍🩹 like saar haday tahye hestada 😊

  • @mahadfantaastic6274
    @mahadfantaastic6274 7 หลายเดือนก่อน

    7 m7rch 2024

  • @ibraahimosman2696
    @ibraahimosman2696 ปีที่แล้ว

    Noofur zxb aa degsanee

  • @Raxmofaarax-ko5of
    @Raxmofaarax-ko5of 2 หลายเดือนก่อน +1

    2024😢😂

  • @ibrahimmohame7520
    @ibrahimmohame7520 2 ปีที่แล้ว +1

    2022 who listening 🎧

  • @rakipapdi2780
    @rakipapdi2780 4 ปีที่แล้ว +5

    Thinks licrks

  • @cabdikariincawil5644
    @cabdikariincawil5644 4 ปีที่แล้ว +6

    hees macan runti

  • @MohammedHassan-wf5sq
    @MohammedHassan-wf5sq ปีที่แล้ว

    Waxayka miidtay heesah ikadoqag

  • @biintumusebiindhe7191
    @biintumusebiindhe7191 3 ปีที่แล้ว +5

    29/8/2021

  • @ismaelomar8211
    @ismaelomar8211 ปีที่แล้ว

    Waaaaaa bien bien

  • @AbdirahmanOsmanabdullah
    @AbdirahmanOsmanabdullah 9 หลายเดือนก่อน

    Heestan Ma maqlikaro waxasameeyay gudhugudhu lol ,dahab caanaheeda nin kiigaranayaa

  • @khadarbiixi8201
    @khadarbiixi8201 3 ปีที่แล้ว

    Khadar biixi

  • @shahwahshabalaas9030
    @shahwahshabalaas9030 2 ปีที่แล้ว

    Wow 😍

  • @Wizard_x10
    @Wizard_x10 2 ปีที่แล้ว +2

    ❤🏅🔥

  • @NimcoAbdi-ri8jd
    @NimcoAbdi-ri8jd ปีที่แล้ว

    Nimco abdi

  • @ClaahiCali-hn8us
    @ClaahiCali-hn8us 7 หลายเดือนก่อน

    2024

  • @YasmiinAxmed-ir3me
    @YasmiinAxmed-ir3me ปีที่แล้ว

    Rr❤

  • @AbaaBala-nk2je
    @AbaaBala-nk2je 8 หลายเดือนก่อน

    2024 😂

  • @biladaquruxda1986
    @biladaquruxda1986 2 ปีที่แล้ว

    💔😭