Xasan Diiriye Faarax Iyo Xaliima Khaliif Magool🔥 Iyo Heesta "BOQORKII QURUXDA"
ฝัง
- เผยแพร่เมื่อ 24 ธ.ค. 2024
- 🌟Heestan waxa curinteeda laha
A/U Cali Sugulle Cigaal (Dun carbeed) AHN 1965
🌟Laxanka
A/U Cabdilaahi Qarshe AHN
HEES CUSUB
MUUQAAL XIISO LEH
HEESHA CUSUB
HEES SOMALI OO QORAAL AH
SOMALI LYRICS
HEESO XUL BEST SOMALI MUSIC
HEESO QAARAMI AH
HEESO KABAN AH
HEESO NON STOP AH
Ereyada heesta waxa sameeyey abwaan Cali Sugulle, Rabbi ha u naxariisto e. Waxay ku jirtay riwaayad la odhan jiray "Mahuraan", oo markii u horreysay la metelay 1965. Laba hobal ee heesta qaaday waa Xasan Diiriye iyo Magool, labadooda ba Ilaahay ha u naxariisto.
Halkee ka heli karaa ruwayadaha oo dhan wall .
@@sakimaahirkalid5083 meel aan kuugu sheego garanmaayo, bal se dheegag riwaayadda ka mid ahi waxay ku qoran yihiin buugga"HAL TISQAADAY" oo lagu uruuriyey halabuurkii suugaaneed ee abwaan Cali Sugulle. Waxa buuggaa qoray, Maxamed Baashe X. Xasan; abwaanka iyo qoraaga ba Ilaahay ha u naxariisto. Buuggaa Amazon ayaad ka heli kartaa.
Markii ugu horeysay waxaa la dhigay 1962😢
@@looyaan323 halkee baad ka soo xigatay xogtaa? Anigu qoraalka waxa aan ka soo xigtay buugga "HAL TISQAADAY" ee abwaan Cali Sugulle, in riwaayadda markii u horreysay la dhigay 1965. Markaa, na la wadaag halka aad xogtaa ka soo heshay in 1962 la dhigay.
@@HeersareMedia taariida somalida markii laqoray waxaa lagu daray ruwaayadii mahuraan waana ruwaayadii ugu horeysay oo la dhigo waxayna ahayd sida ku qoran 1962
Allaha u naxariisto xasan diiriye, wuxuu ahaa fanaan sare iyo magool.
Kooxdii Wallaalo Hargeysa,riwaayadii Mahuraan,erayadii abwaan Cali Sugulle 1965,shinomo Nasar ayay ka dhigeen markii ay Xamar yimaadeen.
Abwaan Cali Sugule ilaahay ha u naxariisto, muxuu murti ka tagay qiimo leh
Good Really Waaberi!!!!...Ha Ogaadaan dadka in Zulfa Looga horreeyey heestan!!!...thanks .
Anaa kamid ahaa dadka umaleenayey in Zulfa aan looga horayn inkastoo ay u muuqatay markaas hees bàashaal ahaan loo qaaday balse hađda kahor ma ogayn inuu Xasan Diiriye qaaday sidoo kale Kuluc ayaa qaaday ayaan commentska ka arky
Sulfa heeso badan ayuu dib u qaaday ooy ku jiraan heeso reer Djibouti ah
@@hassanadam1373
Xasan Diiriye wax gaari karo ma lahan.
Allaha unaxaristo 2duba waxay ahayen 2 hobol oo kalin wacan ka qaatay fankii somalida.
Waa xilli ay magool yareyd, codkeedaa laga garanayaa...labadaba allaha u naxariisto..
Sorry to be so offtopic but does any of you know a method to log back into an Instagram account?
I stupidly lost the account password. I love any assistance you can offer me.
Magol oo hadleso noo soo gali
Hadal keeda aadka u qurx badan🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴♥️♥️♥️♥️♥️♥️♥️
Ma Ila heysaa sxb
Wallahi codkeeda Mararka qaar isagoo gagaban bey kujirtaa hesaha qaar markaas baa dhagta udhigaa ku hadalkeyad iyo ku hesideedaba aad bey u quruxbadan Tahay
Allah unaxariisto
Alla aragtayaa
Xaqiiqa markasta ee aan soo galo halkaan waan baari jiray markaan zulfa arko xanaaq ayaan lacarari jiray sababtoo ax anigu waxaan taageeraaa 100% xasan diiriye waana fanaanka koobaad ee aan dhegeysto marka koley cidii soogelisay wey ku mahadsantahay
Alle ha unaxaristo fanaaniin qaaliya xikmadii Aun Cali Sugule duncarbeed alle ha janeeyo
Aamin yaa allah 😭😭😭😭
Ala ha unaxariisto
Labadaba xasan diiriye baagan
Iyo xallimo khaliif magool waxa xasuusta markay dhiteen iyo
Marka nolayen labaduba
Ragu waa ragii hore hadala
Waa intuu
Yidhi waxaba soma
Raacan
Waa waa murtidii abwaan cali sugule dun carbeed magoo iyo xasan diiriye faarax
Allah ha u naxariisto Aamiin 😊😊😊 Ain't that all about nostalgia back to good golden years.
Ilaahoow unaxariiso labadooduba fan waa fankii hore, dad na waa dadkii hore
Allah ha u naxariisto dhamaantood Abwaan ka iyo Fanaaniintaba
#LYRICS#SONG.
#HASSANDIIRIYEAHUN
Bus weeye abaaro Boodh badanoo
Ban iyo miliciyo Biyo La'aanee
Bilaneey kalgacayku Waa waa waa
Dab baxaaya oo Belalee adigaa
Bakhtiin karayoo I badee iga bi'i
#XALIIMOKHALIIFAHUN
Been weeye Jacayl rag baa
La bukoo Waa bilista haween
Ka barakicisee Baxsanoow kalgacaylku
Waa Bilic quruxsanood u bogtee
Adigaa bakhtiin karayoo Is baddee iska bi'i
#HASSANDIIRIYEAHUN
Boqorkii quruxdaay dharraar
Boqorkii quruxdaay habbeen
Berri walba mar kastaba
Bidhaantaada waan U baahanahee
Billaneey kalgacaylku waa waa
Dabb baxaaya oo belalee
Addigaa bakhtiin karayoo I badde iga bi'i
Badd weeye nimaan dabbaal barranoo
Badhtanka u galloo berri uma dhawwee
Bilaneey kalgacaylku waa waa waa
Dabb baxaaya oo oo bellalee Addigaa
Bakhtiin karayoo I baddee iga bi'i
#XALIIMOKHALIIFAHUN
Anoon kuu baxaynin Ii baaqdee
Waxanaad u badheedhay baan ahayee
Baxsanoow kalgacaylku waaa waa
Bilic qurux sanaad u bogtee
Adiggaa bakhtiin karayoo
Is baddee iska bi'i
#CHORUS-#HASSANAHUN
Boqorkii quruxdaay dharaar
Boqorkii quruxdaay habbeen
Berri walba mar kastaba
Bidhaantaada waan u baahanahee
Billaneey kalgacaylku waa waa
Dabb baxaaya oo belalee
Addigaa bakhtiin karayoo
I baddee iga bi'i
Bogiyo wadnahaygii buu
Bud dhiggoo boholuu
Ka samaystay boogo noqdee
Bilaneey kalgacaylku waa waa
Dabb baxaaya oo belalee
Addigaa bakhtiin karayoo
I baddee iga bi'i
#XALIIMOKHALIIFAHUN
Bukaanka adigaa isku beeraayee
Belliyo bahal toona kuuma dhowee
Billanoow kalgacaylku waa waa
Bilic quruxsanaad u bogtee
Addigaa bakhtiin karayoo
Is baddee iska bi'i
#CHORUSHASSANAHUN
Boqorkii quruxdaay dharaar
Boqorkii quruxdaay habbeen
Beeri walba mar kastaba
Bidhaantaada waan u baahanahee
Billaneey kalgacaylku waa waa
Dabb baxaaya oo belalee
Addigaa bakhyiin karaya oo
I baddee iga bi'i
#HASSANDIIRIYEAHUN
Wixii biliclaba bidhaan wacanee
Nafta u boholyowday baa u bogtee
Billaneey kalgacaylku waa waa
Dabb baxaaya oo bellelee
Addigaa bakhtiin karayoo
I baddee iga bi'i
#XALIIMOKHALIIFAHUN
Barwaaqo aduun badh baa dhimanoo
Badhaadha kastaa kamuu bogganee
Billanoow kalgacaylku waaaa.....
Bilic qurux sanood u bogtee
Addigaa bakhtiin karayoo
IS baddee iga bi'i
#CHORUS-#HASSANAHUN
Boqorkii quruxdaay dharaar
Boqorkii quruxdaay habbeen
Beeri walba mar kastaba
Bidhaantaada waan u baahanahee
Billaneey kalgacaylku waa waa
Bilic qurux sanood u bogtee
Addigaa bakhtiin karayoo
I baddee iga bi'i iga baa'bi'i.
_______________________END
Erayada : Cali sugulle D Carbeed AHUN 1965
Laxanka : Cabdilaahi QarsheA AHUN
Luuqda : Hassan Diiriye Farah AHUN
& Xaliimo Khaliif Cumar magool AHUN
__________________________________
Mahadsanid Saaxiib WAAYOWAAYO.
Waa berigii heesaha Soomaalidu lahaayeen murti qiima leh, macaan iyo laxan cilmi ku fadhiya. Cali Sugulle (aun) wuxuu lahaa ereyo cajiib ah oo marna sahal ah marna ku fadhiya murti fog oo aad u sarraysa. Abwaan ka qiima badan Soomaali kama dhalan.
Wsredc.
Cxazzsxccxcdàdxxzzz
M
I think you're wrong! Aun abwaan Mohamud Abdullahi Sangub abwaan la mid ahaa haday timaado abwaanimo, jilid iyo wadaninimo somali kama dhalan kamana dhallan doono period!!!!
@@mahadshire1019
Saaxiib is deji meesha dagaal iyo waddaninimo kama hadlin mana taalo meesha adaa qaldan iyo anaa saxsan ee waa qofba iyo aragtidii.Taa baro haddaad weli qaangaartey.
@@mahadshire1019 boqorkii suugaanta maxamed cali kaariye miyaa ilowday 😂
Dab weeye nimaan dabaal baranoo
Bartanka ugaloo barina ma dhawee
Bilanay kal gacaylku waa waa waa
Dab baxaaya oo balalee
Adigaa bogsiin kareeyo I badee iga bi
Mid kamid ah heesaha soomaliga ah kuwa ugu qurxan erayada luuqda iyo codkaba
Beautiful generation ❤❤❤ AUN dhamaan.
Saxib taariikhda xasan diiriye farax maxad uga war bixinweyden saxib yal
Xasan Diiriye Faarax Baagaan waa nin reer Buuhoodle ah. Halkaas kasii amba qaada.
@@osmanb8446 saxib mahadsanid wllo mahadsanid intakalena weynuheli inasha alaah 💪💪💪😘😘
Allaah haw Naxariisto dhamaan Hobaladii waa Bari waxay aha yeen mucjiso mar ina soo martay
Laxankaan qofkii smaeeyey mucjiso ayuu ahaa
Beentaa maaha waa laxan cajiib ah !
Wa abihii fanka somaliyeed cabdilaahi qarshe aun aya sameeyey
laxaamdii hore somalida waxey ahaayeen sidan ma garanyo wax ku dhacey ee hada laxanki qarabey amdaama hore mar laga sameyeye laxan samynta oo computer xaata aka cawinyo
Classic indeed ❤️❤️❤️🥲🥲🥲rest in peace
Xasan diiriye Codkiisu Waa calool Xanuun
magool waxey dhalatay 1948 hestaan markeey qadeysay waa 1965 marka waxey jirtaa 17 sano
Walaal anigaa la kulmay abwaan ka mid ahaa dadkii fanka soo geliyey magool, wuxuuna ii sheegay in magool fanka soo gashay 1957-dii iyadoo ah gabar shabbad ah oo labaatan gaartey. Waxaa kaloo internet ku jira sawir la qaaday 1960-kii oo ay magool ka dhex muuqato iyadoo qof weyn ah. Marka sidaad sheegaysid magool way ka weynayd ee warka iska hubi.
Waa runtaa walaal kala jarka taariikhda ee dhalatay iyo taarikhda heeskan waxaa u dhaxeeya 17sano. Waxaana laka garan karaa codkeeda yar. Allaha unaxariisto labadadooda
@@Wonderer224 waa sax in Magool ay fanka soo gashay 1957 laakiin 20 jir ma ahayn waxay ahayd 17jir waayo waxay dhalatey 1943, teeda kale aniga waxaan ahayn qaraabo, waxaan kaloo kugu daraa intey magool fanka soo gelin waxay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ka cayaari jirtey xaafada wardhiigleey 14 jirkeeda. Firfircoonidana wey lasoo baxdey. Si kasta abwaanka wuu soo dhaweeyey da’deeda laakiin fanka ka hor qaraabadeeda ayaa taqaaney UU Aabahay ka mid yahay welina nool.
Mahadsanid Carale
@@abdullahiahmed2409
Mahadsanid walaal. Wax weyn ma kala fogin (inay 17 ama 20 ay jirtey markay fanka soo gashay 1957-dii). Adigaana iiga xog roon mar haddaad qaraaba ahaydeen.
@@Wonderer224 waa sidaa walaal Caraale , waxaan isweydiiyaa waaberi oo kale dib maloo heli doonaa waa kaa waddankeena lakala googooyey
"Barwaaqo adduun badh baa dhimanoo
Badhaadhaa kastaa kamuu bogane"
Waa murti waano ku astaysan.
allow u naxariiso
labadoodaba wey
naga baxeen
Aamin yaa allah 😭😭😭😭
Mahuraan
wasyo waayihii wacnaaa sslaansare
علي العمالقه والاساطيرلآ استطيع التعليق ..... اللهم إرحم حسن ديريه وحليمه خليف مجول
اءامين اءامين اءامين اءامين اءامين اءامين اءامين اءامين يارب 😢😥😭😞
asc wan kusalamay sxb wad mahad santahay sxb
♥️❤️♥️❤️🇸🇴🇸🇴🇸🇴♥️♥️♥️Alle ha u naxariisto labadaba. Magool we 💕 you and missed you. Alle hakuu naxariisto.
♥️♥️♥️♥️😍😍
Sxb heesta Cabdinaasir Macalin ee ( Qalaafe) hadaad heyso iyadoo fasiix ah soo gali
Qabowga wabigiyo qallaafay ku dhalatee. Maasha Allaah Qallaafe meeshaan ku dhashay Alloow anoo nabad ah igu celi
Ereyada: Abwan Cali sugulle (Dun-carbeed) AHUN
Laxanka: c/laahi Qarshe AHUN
Codka: Xasan Diiriye iyo Magool
Waqtigu waa 1965..
Mar labaad waxay Qaaday 1982kii magool iyo Sufla intii Dhimatay allaha Unaxaristo 🤲🏻🥺
Ruwaayada indha sarcaad waxaa la dhigay 1964😢
Soo aqriso buuga HAL-TISQAADAY
Abwaanku qoray
@@looyaan323 mahadsanid 1964 ama 1965kii midkay ahayd baan muran igaga jiray
Horey uzoco
1/8/2020 Saturday inta Ila dhegaysane
Alaha unaxariisto
Shukran Guys, Fanka identity gyga Qoomiyad ahaan ayu ka mid yhy e Ina wadaaajiya
Abwaan Cali Sugulle
Waa magool oo yar
Walaal Magool waagaa (1965-kii) waxay fanka ku jirtey 10 sano ku dhowaad. Sida aan maqlay waxay fanka ku soo biirtay 1957.
@@Wonderer224 mahadssnid wll codkeeda ayaa yar
Hani Ahmed
❤️
Alle ha u naxariisto dhaamantood , uriye iyo ku luuqeeyaba, aamiin aamiin
Curiye
Habeenkii uu dhintay subaxdeedii ayaa BBC heestan laga saaray markii geeridiisa la sheegayey AHN.
Walaahi dareenkeeyga ayey bedeshay heestaan mahadsanid chanelkan sharafta badan
AUN Xasan diiriye Iyo magool
Waxaan kacodsanaaa masuuliyiinta janalkaan heeta tiraahda /inanyahay mafududide inaad rag isfateeysaan waa digan ufeedhee
Xiin
Heesta xarafka B ayey ku socotaa
Barwaaqo aduun badhba dhimaano ninki u noolada waa araay xigmad ku jirto
eesh calaa hees
m.a
Hhhh
Alaha u naxariisto
Alaha u naxariisto